Katrina iyo Ranbir oo mar kale kiciyay warbaahinta India.

Katrina iyo Ranbir oo mar kale kiciyay warbaahinta India.

daajis.com:-Xiddigaha leysku xanto beryahaan ee Ranbir Kapoor iyo Katrina Kaif, ayaa mar kale su'aalo soo hor dhigaya warbaahinta India, kadib markii laga war helay in fasax kale ay u bixi rabaan.

Ranbir Kapoor waa diiday inuu sheego waxa kala shexeeya Katrina Kaif oo beryahaan dambe uu daba socday, sidoo kale Katrina dhankeeda lagama haayo wax cadeyn u ah in xiriir kala dhexeeyo Ranbir, aad ayaana loogu wareersanyahay xaaladooda.

Ranbir iyo Katrina oo warbaahinta ku shiday sawiro ay ku galeen xeebaha dalka Spain xili ay dalxiisayeen, ayaa waxaa hada mar kale la ogaaday in mar labaad ay u bixi rabaan tamashle aan la ogeyn waxa ku hoos duugan.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada