DAAWO:-Filmka Captain Philips oo jilaa ka yahay wiil Somali oo lasii deynayo bishan

DAAWO:-Filmka Captain Philips oo jilaa ka yahay wiil Somali oo lasii deynayo bishan

daajis.com:-Filim cusub ee lagu magacaabo Captain Philips oo laga madalay weeraradii kooxaha burcad badeeda Soomaalida gaar ahaan afduubkii sanadkii 2009-kii loo geystay Markab xamuul oo Mareykanku leeyahay oo lagu magacaabi jirey Maersk Alabama ayaa bishan 18-keeda caalamka la daawan doonaa.

Flimkan oo qaabeyntiisa iyo soo saaristiisa ay sameysay shirkada Hollywood, ayaa waxaa qayb ka ah oo wax ka jilaya wiil Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Barkhad Abdi Muuse balse filamka ku jilaya magaca Muse isagoo jilaya in uu madax u yahay koox burcad badeed ah oo afduub u geysanaysa markab.

Filimkan oo uu agaasimay Paul Greengrass waxaa actor sidoo kale ka ah actorka caanka ah ee u dhashay Mareykanka ee lagu magacaabo Thomas Jeffrey balse loo yaqaan Tom Hanks.

Filimka oo ku soo baxaya Luuqada Ingiriiska iyo Soomaaliya waxaana dunida loo baahin doonaa ama la fasaxi doonaa 11-ka bishan October oo Mareykanka la daawan doono kadibna 18-ka bishan dunida lagu soo bandhigi doono.


Wiilka Soomaaliga ah ee filimkan wax ka jilaya ee lagu magacaabo Barkhad Cabdi wuxuu isagoo 14 sano jir ah isaga oo wehliya qoyskiisa ay tageen wadanka Yemen, iyagoo ka qaxay dagaaladii ka dhacay Soomaaliya.

Barkhad oo ku dhashay magaalada Muqdisho wuxuu sheegay in intii ay joogeen wadanka Yemen ay qoyskiisu u galeen tartanka Lottery-ga ee lagu helo Visaha Mareykanka ee deganaanshaha Green Card kaasi oo ay heleen markii sadexaad iyadoo ay u suurtagashay in isaga iyo qoyskiisa ay degaan Mareykanka.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com







Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada