Qaxootigii Soomaalida Sharciga Lahayn ee ku dhibaateysnaa Magaalada Amsterdam oo Cabsi Soo Waajahday!!(Daawo Muuqaal+warbixin)

Qaxootigii Soomaalida Sharciga Lahayn ee ku dhibaateysnaa Magaalada Amsterdam oo Cabsi Soo Waajahday!!(Daawo Muuqaal+warbixin)

daajis.com:-Qaxootigii Soomaalida ahaa ee ku dhibaateysnaa magaalada Amsterdam ee dalka Holland ayaa waxaa la sheegay in mar kale dibada la dhigay oo laga saarey dhismihii ay ku noolaayeen mudooyinkii ugu dambeeyey ka dib markii maxkamadu amartey inay faarujiyaan dhismahaas haddii kale si qasab iyo xoog ah looga saari doono 


Qaxootigaan Soomaalida ah oo ay weheleiyaan qaxooti ka kala yimid wadamada Sudan iyo Ethiopia ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa hoy u ahaa dhismo ay si sharci daro ay ku jabsadeen laakiin dacwad ka timid milkiilha dhismahaas ayaa waxay maxkamadu ay go'aamisay inay ka baxaan dhismahaas hadii kale si xoog ah looga saari doono taas oo keentay inay Soomaalidaas iyo qaxootigaas kale ay si iskood ah ay uga baxaan goobtaas xilli aysan aqoon meel kale oo ay afka saaraan si ay ugu noolaadaan, Qaxootigaan oo uu xoghayah arimaha qaxootiga dalka Holland ninka lagu magacaabo Fred Teeven uu u soo jeediyey inay dib ugu noqdaan oo ay iska xaadiriyaan xarunta xerada qaxootiga ee la iska dhiibo ee lagu magacaabo Ter Apel asagoona u balanqaaday in qofkii doonaayo inuu dib ugu noqdo dalkiisa la siin doono lacag dhan ilaa iyo 4.500 oo euro, Laakiin qaar badan oo ka mid ah qaxootigaas ayaa arintaas gaashaanka ku dhuftey oo sheegay inaysan jirin meel ay ku noqon karaan waqtigaan 

Ugu dambeyntiina iyadoo Soomaalidaas qaxootiga ah oo ah kuwo loo sheegay inaysan wadan wax sharci ah aan laga siineynin islamarkaana ay tahay inay wadankooda ku noqdaan ayaa waxay qaar badan oo ka mid ah Soomaalidaas ay sheegeen inaysan waqtigaan xaadirka ah aysan ku noqon karin dalkooda dhibaatooyinka ka jira awgood, Qaxootigaan Soomaallida iyo wadamada kale isugu jira oo tiradooda lagu qiyaasay in ka badan 180 qofood ayaa waxaa hada la sheegay inay jabsadeen dhismo kale oo ku yaal magaalada Amsterdam halkaasna ay ku sugan yihiin iyadoo aan la ogeyn inta ay qaadan doonto inay ku noolaadaan dhismahaas cusub ee ay hada jabsadeen iyo in si dhaqso ah looga saari doono, maadaama la sheegay inay hal maalin oo qura ay joogi karaan halkaas ka dibna ay bilaabi doonaan inay baadi goob u galaan meel kale oo ay ku noolaadaan, Qaxootigaan oo ilaa iyo dhamaadkii sanadkii hore ku jirey gaaf wareeg ayaa dhismaha laga soo saarey waxay ku noolaayeen ilaa iyo dhamaakii bishii May ee sanadkaan. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada