Dhalinyarada Muslimiinta ah ee kenya oo radinya qaabka ugo sahlan ee ugo biiri karan Alshabaab Iyo Dowlada kenya ka walacsan arinkaas

Dhalinyarada Muslimiinta ah ee kenya oo radinya qaabka ugo sahlan ee ugo biiri karan Alshabaab Iyo Dowlada kenya ka walacsan arinkaas

daajis.com:-Madaxa Afrika ee hay’adda xasaradaha caalamka ICG, E.J. Hogendoom ayaa sheegay inay kordheen tababarrada gudaha Kenya lagu siinayo dhallinyarada dalkaas u dhashay, si loogu biiriyo Al-shabaab, looguna adeegsado dagaallada.

“Al-shabaab waxay dhalinyaro badan ka qoratay Kenya, iyagoo kuwood ugu badan ka qoratay gobolka Waqooyi-bari ee dalkaas oo ku dhow soohdinta Soomaaliya, waxaana dhalinyaradaas laga dhaadhiciyey mabaadida Al-shabaab ee ku dhisan dagaalada iyo qarbudaada” ayuu yiri Hogendoom.

Masuulkan ayaa xusay in Al-shabaab oo ka taliya qaybo Soomaaliya ka tirsan ay billaabeen inay fikirkooda ku beeraan shacabka Kenya iyagoo ugaarsanaya ardayda yaryar ee iskuullada dhigta iyo dadka reer miyiga ah ee aan aqoonta laheyn.
  
“Al-Shabaab waxay dadaal weyn ugu jirtaa sidii dadka ku hadla afka Soomaaliga ee ku nool Kenya ugu dhaadhicin lahaayeen fikirkooda, si ay dagaalada ugu huriyaan” ayuu mar kale yiri Hogendoom.


Wuxuu intaas ku daray in dadka Al-shabaab ay ka qoranayso dalka Kenya ay yihiin dadka isir ahaan kasoo jeeda Soomaalida, inkastoo dad kale oo Kenyan ah ay ku jiraan

“Dhamaan waxay doonayaan inay ku soo biiraan Al-Shabaab, si ay Somalia ugana fuliyaan weerarro argagaxiso gudaha dalka Kenya,” ayuu Hogendoom yiri isagoo intaa ku daray qaababka ay Al-shabaab ku duufsanayso dhallinyarada ay yihiin kuwo noocyo badan.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada