Cunsuriyiinta Yurub oo Wadaniyiin isku maleeya & Cunsurigii ugu weeynaa oo gacanta lagu soo dhigay (Daawo yuu u dhashay ) !!

Cunsuriyiinta Yurub oo Wadaniyiin isku maleeya & Cunsurigii ugu weeynaa oo gacanta lagu soo dhigay (Daawo yuu u dhashay ) !!

daajis.com:-Qaar ka mid ah dalalka Yurub waxaa ka dilaacay Cunsuriyiiin halis ah oo aad u neceb dadka Ajaanibta ah ee ku soo qul qulaya dalalkooda balse waxaa la yaab noqotay Cunsuriyiintaan cusub oo ku doodaya inay yihiin Wadaniyiin dalalkooda ka difaacaya ajaanibta qaxootiga iskaga dhiibta ee dooneeysa inay buuxiyaan boosaska shaqooyinkooda. 




Dalka ugu daran ee iminka qasan waliba ay bilaabeen Cunsuriiyinta inay soo-galootiga ama ajaanibta qaarajiyaan waa dalka Giriiga oo dhaqaalihiisa uu hoos u dhacay. Hogaamihihii ugu weeynaa xisbiga Cunsuriyiinta dalka Giriiga ee Chrysi Avgi (Goldene Morgendämmerung) Mr.Nikos Michaloliakos ayaa gacanta lagu soo dhigay waxaana xarigiisa durbadiiba ka xumaaday raga Madaxa xiiran ee dadka ceejiya. 

Xisbigaan oo New Nazi lagu shegay waxeey taageerayaashooda qaarajiyeen dad badan oo Masaakiin ah kana soo jeeday dalalka Pakistan iyo Bangladesh kuwaas oo ka shaqeeysan jiray mudo dheer dalka Giriiga. Sidoo kale Cunsuriyiintaan ayaa maalmo yar ka hor waxa ay qaarajiyeen Fanaanka caanka ah ee lagu magaacabo Pavlos Fyssas kaas oo u hiilin jiray dadka ajaanibta ah ee dulman. 

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada