Mareykanka oo ka qeyb-qaadanaya dhismaha ciidanka Soomaaliya

Mareykanka oo ka qeyb-qaadanaya dhismaha ciidanka Soomaaliya

daajis.com:-Dowlada Maraykanka Ayaa sheegtay in qayb wayn ka qaadan doonaan dib udhiska iyo tayaynta ciidanka xooga dalka Soomaliya .

Jeneral David  Rodrigues oo ah abaan duulaha ciidanka urur ay kumidaysan yihiin Mareykanka iyo Afrika oo loo yaqaan AFRICOM ayaa sheegay in ay wadaan dadaalkii ugu dambeeyay oo ah in dib udhis ay ku sameeyan ciidanka Soomaliya si dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab ay soo afjaraan .

Mareykanka ayaa sheegay in uu qeyb weyn ka qaadan doono dib u dhiska iyo tayeynta ciidanka xoogga dalka Soomaaaliya oo dowladda Soomaaliya ay haatan waddo qorsheyaal lagu doonayo in ciidanka dib loogu tayeynayo.

Abaanduulaha ciidanka ururka ay ku mideysan yihiin Mareykanka iyo Afrika ee AFRICOM, Jeneral David  Rodrigues iyo kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee Afrika, Lind Thomas-Greenfield ayaa si wadajir ah usheegay in helista ururka Alshabaab ay tahay mid weli jirta, loona baahan yahay in la xoojiyo awoodda ciidanka dowladda Soomaaliya oo ay sheegeen in ay yihiin kuwa kaliye ee ciribtiri kara halista Alshabaab.

Jeneral David  Rodrigues ayaa sheegay in Mareykanku uu laba jibbaari doono taageerada dhaqaale iyo midda milatari ee uu u fidiyo ciidamada nabad ilaalinta AMISOM, kuna ammaanay doorka ay AMISOM ka qaadaneyso dib u soo celinta nabad iyo xasillooni ka dhalata Soomaaliya.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada