Mareykanka oo ubaroordiiqay 18-Askar oo Magaalada Muqdisho looga dilay(Warbixin )

Mareykanka oo ubaroordiiqay 18-Askar oo Magaalada Muqdisho looga dilay(Warbixin )

daajis.com:-Saldhig military oo ku yaala dalka Maraykanka ayaa waxaa lagu qabtay xus loo sameynayay 18 askari oo Maraykanka kaga geeriyootay dagaal 3 dii illaa 4,tii bishii October sanadkii 1993 ay magaalada Muqdisho kula galeen ciidamo daacad u ahaa Allaha u naxariistee Jen Max’ed Faarax Caydiid.

Saraakiil Maraykan oo ka mid ah ciidamadii Soomaaliya ka dagaalamay oo xuskaas ka qeyb galay ayaa sheegay inay maalmo xasuus ah u tahay dagaalkii Muqdisho ka dhacay muddo haatan laga joogo 20 sano.

James Cooper oo ka mid ahaa ciidamadii ka dagaalamay Muqdisho maalmihii is xigay sanadkii 1993 ayaa sheegay in waxyaabaha uu xasuusan doono ay ka mid yihiin diyaaradihii lagu riday Muqdisho 3, October sanadkii 1993.

“Maanta oo kale waxay aheyd maalin aanu ku jirnay dagaal adag oo meelo badan nooga imaanayay cid walbana ma fahmi karto sida ay xaaladu aheyd marka laga reebo intii joogtay” ayuu yiri James Cooper.

“Ciidamadeenu maalin walba iska hor imaad ayay la kulmayeen wax walbaba culays ayay ahaayeen” waxaa sidaa yiri Colonel Bill David, oo ka mid ahaa saraakiishii ciidamada Rangers ee dagaalka ku jiray.

Colonel David waxaa uu xusay inuu si gaar ah u xasuustay 3,dii October oo ay ciidamadii daacada u ahaa ay dhulka soo dhigeen 2 diyaaradood oo noocoodu ahaa Black Hawks.

Wakaaladda wararka AFP ayaa soo xigatay M/waynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Max’ud oo dhahaya.


“ Soomaalidu maanta ma joogto waqtigii UNISOM lala dagaalayay dalkana wax badan ayaa iska badalay”.

Illaa 18 askari ayaa la sheegaa in Maraykanku ku waayeen dagaalkii Muqdisho ka dhacay ayadoona meydadka askar Maraykan ah oo la jiid jiidayo wadooyinka Muqdisho lagu arkay xilligaas waxaana jira sidoo kale askar kale oo ka tirsanaa howlgalkii rajo soo celinta ee UNISOM oo iyana dagaalkaas lagu dilay haba ugu badnaadaane askar u dhalatay dalka Pakistan.

Dagaalkii ciidamada Maraykanku ku galeen Soomaaliya waxaa uu ka mid noqday dagaalada ugu hadal heynta badan dunnida taasoo keentay in shirkadda filimada Maraykanka ee Hollywood, ka ay ka sameyso filim loo bixiyay Black Hawk Down
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada