daajis.com:-General Daahir Aadan Cilmi Taliyaha ciidamada Xooga dalka ayaa sheegay in dagaalka ay kala horjeedaan Ururka Al-Shabaab uu yahay mid biloow ah, waxa uuna ciidamada xooga kula dardaarmay inay muujiyaan dadaal dheeraad ah iyo geesinimo. sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkan ayuu taliyaha ciidamada xooga dalka ka sheegay kadib markii maalinimadii shalay uu booqday Degmada Mahadaay iyo deegaanada ku dhow ee Shabeelada Dhexe oo dhawaan ciidamada dowlada ay kala wareegeen Ururka Al Shabaab, waxaana maalinimadii Arbacada weerar ay Al Shabaab ku qaadeen degmadaasi uu sababay dhimasho iyo dhaawac, ayadoona maamulka uu guulo ka sheegtay.
_____________________Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:41 and have
, Published at