Maxa Ka Jira Wararka Sheegaya In Qaraxii Shalay Dadka Badan Ay Ku Dhinteen Laga So Abaabukay Degmada …??

Maxa Ka Jira Wararka Sheegaya In Qaraxii Shalay Dadka Badan Ay Ku Dhinteen Laga So Abaabukay Degmada …??

daajis.com:-Ila madax banaan oo ay heshay shabakada wararka daajis ayaa xaqiijinaya in weerarkii is qarxinta ahaa ee shalay dadka badani ku dhinteen laga so abaabulay degmada buulo burte oo ay maamulaan kooxda al shabaab,



Warka ayaa sheegaya in qaraxa ujeedkiisa dhabta ah uu ahaa in dadka shacabaka ah lagu laaya kadibne marsiyo looga dhiga in dadka la laayay ay ahaayeen dad taageersan dowlada iyo ciidamada nabad ilaalinta amisom gaar ahaan kuwa jabuti ee hiil walaal.


Degmada buula burte oo caan ku ah halka laga so maleego weerarada iyo qaraxyada lidka ku ah maamulka iyo shacabka reer baledweyne ayaa waxa ku sugan saraakiil badan uu kamid yahay fu,aad shangle .

Ma ah qaraxan uu kali waxyabaha ay damacsanyihiin al shabaab inay ku qal qal galiyaan amaanka baledweyne oo aad uso hagagay xiliyadan danbe lakin warka la helay ayaa muujinaya in al shabaab ay sido kale damacsanyihiin weerar lamid ah kii kal hor ka dhacay ama lagu qaaday xarunta maxkamada sare ee gobollka banaadir.
  
Weerarkii isqarxinta ee galaftay nolasha dad shacab ah oo ku dhaw 20 ayaa qeyb ka ah weeraraada ay al shabaab ka fuliyaan gudaha dalka iyo dibada .

Wa qaraxii sadaxaad ee ismiidaamin ah kana dhaca magalada baledweyne ee xarunta gobolka hiiraan, mid kamid ahaa qaraxyadii ugu xumaa waxa ku dhamaday  masuliyiin badan uu kamid ahaa allla ha u naxariiste cumar xanshi aadan oo so noqday wasiirkii arimaha gudaha iyo amniga qaranka iyo dad shacab ah oo odayaal dhaqameed u badan halka mid kalane uu aha qarax gaari oo lagu qaaday xarunta maamulka gobollka oo ciidama ethiopian ay daganaayeen,

Ugu danbeeyntii maamulka gobolka ayaa haatan ku baraaruray islamarkaane heegan sare galiyay ciidamada amaanka iyado kuwa amisom ay feejignaan dheer galeen.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada