Sargaal sare oo katirsanaa Booliiska Soomaaliya oo Saakay lagu dilay Magaalada Muqdisho (Aqriso Magaciisa)

Sargaal sare oo katirsanaa Booliiska Soomaaliya oo Saakay lagu dilay Magaalada Muqdisho (Aqriso Magaciisa)

daajis.com:-Waxaa Saakaya Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir lagu dilay sargaal katirsanaa Ciidanka Booliiska Soomaaliya, iyadoona lasoo tabinayo in kooxihii dilka u geestay sargaalka in ay baxsadeen.

labo nin oo dhalinyaro ah Bistooladana ku hubeesnaa ayaa la sheegay in ay toogteen Taliye kuxigeenkii Saldhiga Degmada Hodan oo lagu Magacaabo G/dhexe Shariif Aadan Maxamuud Sefle oo katirsanaa saraakiisha Booliiska Degmada Hodan.

Sargaalkan ayaa xiliga la dilayay kasoo baxay gurigiisa aan ka fogeyn tarabuunka kuna sii jeeday Saldhiga Hodan, Kooxaha dilka u geestay ayaa la sheegay in ay ka qaateen sargaalka Bistoolad uu watay markii ay dileen kadib.

Ciidamo katirsan Booliiska ayaa soo gaaray halka uu ka dhacay falka dilka ah lama oga howlgalo ay Ciidamadu sameeyeen in ay kusoo qabteen kooxihii dilka geestay inkastoo dadka deegaanka ku warameen in kooxihii dilka fuliyay ay baxsadeen.

Maalmihii lasoo dhaafay Magaalada Muqdisho waxaa aad ugu yaraa dilalka qorsheesan iyo qaraxyada lala eegto Saraakiisha iyo Ciidanka Dowlada , dilkan Saakay loo geestay sargaalkan ayaa imaanaya xili Ciidamada Dowlada xaafadaha qaar ee Muqdisho ka wadaan xiliyada habeenkii Howlgalo amaan xaqiijin ah.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada