(TOP NEWS)Gudoomiyaha Gobolka Sh/hoose Siidii oo beeniyey inuu baxsaday

(TOP NEWS)Gudoomiyaha Gobolka Sh/hoose Siidii oo beeniyey inuu baxsaday

daajis.com:-Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeelada Hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa beeniyey warar ay saxaafadda qaarkeed qortay oo sheegayey inuu baxsaday, isagoo ka mid ahaa wafdigii Madaxweynaha ee ka qayb galay Shirkii Brussels ee Dalka biljimka.

Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidii oo u waramay Shabelle isaga oo jooga Magaaladda Frankfurt ee Dalka Jarmalka aya sheegay in aanu baxsan oo uu dhawaan Dalka dib ugu soo laabanayo, haatana uu jarmalka u joogo arrimo caafimaad, isagoo intaa ku daray inuu madaxda Sare ee Dawladda Federaalka ah uu fasax ka qaatay lana og yahay xaaladiisa.

Gudoomiyaha Shabeelada Hoose waxa kale oo uu sheegay in masuul gudoomiye Gobol ah aanay ka suurtageli Karin inuu baxsado, isagoo intaa raaciyey in dalal kale oo Yurub ah uu tagay isagoo kulamo la soo qaatay sida uu sheegay jaaliyadda ka soo jeeda gobolka Shabeeladda Hoose.  

Si kastaba waxaa maanta saxaafadda qaar ay sheegeen in Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeelada Hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidii uu baxsaday Dalka aanu ku soo laabanayn
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada