Maamulka Siilaanyo oo lagu Eedeeyay Naas-nuujinta Al-qacidada Somalia.

Maamulka Siilaanyo oo lagu Eedeeyay Naas-nuujinta Al-qacidada Somalia.

daajis.com:-Iyadoo maalmo ka hor ay Culimada Xizbullah ee Somaliland shaaca ka qaaden inay waajib tahay weerarka lagu qaado Goobaha ganacsiga Kenya, ayaa waxaa arrinkaasi niyad jab ka muujiyay Siyaasiyiinta kasoo jeeda Deegaanadda Somaliland.

Siyaasiyiin isugu jira Mucaarad iyo Muxaafid oo kasoo jeeda Deegaanadaasi, ayaa sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo ay Naas-nuujiso Culimo taageersan Al-qacidada Somalia ee Alshabaab.

Dabagal ay sameeyen Siyaasiyiintaasi, ayaa waxaa lagu Ogaaday in Wasiirka Madaxtooyada Maamulka Somaliland, Gaashandhiga,Arrimaha Gudahay ay Xiriir wanaagsan la leeyihiin Al-qacidada Somalia, gaar ahaan Ururka Xizbullah oo xiriir la leh Kooxaha qalqal galiyay Caalamka.

Sidoo kale, Dabagalka ayaa waxaa lagu Ogaaday in Xukuumadda Axmed Siilaanyo kulamo muuqda iyo mid qarsoon la qaadato Culimada Xisbigaasi, iyadoona la sheegay inay kala arrinsato Arrimo farabadan oo ay kamid yihiin is garab istaaga wallow ay maalmo ka hor xirtay Guddoomiyaha Xisbiga Sheikh Gelle.

Siyaasiyiin uu kamid yahay Eng. Faisal Cali Waraabe oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID ee Maamulkaasi, ayaa waxa uu niyad jab ka muujiyay qaabka ay Xukuumadda Siilanyo Howsha u wado waxa uuna Tilmaamay in Xiriirka ka dhexeeya Maamulka Silanyo iyo Al-qacida uu caqabad u noqon karo helida Ictiraaf iyo Ammaan buuxa.

Ugu dambeyntii, Waxaa iminka Hargeysa ka socda Siyaasado iyo kulamo hoose oo dhex maraayo Xizbiyada Mucaaradka taasi oo uu Ujeedkeedu yahay sidii Maamulka Siilanyo loogu abuuri lahaa kacdoono.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada