Shaqaalaha wasaaradda maaliyadda Somaliland oo Facebook dartiis looga mamnuucay Internet

Shaqaalaha wasaaradda maaliyadda Somaliland oo Facebook dartiis looga mamnuucay Internet

daajis.com:-Shaqaalaha ka howlgala Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa laga mamnuucay isticmaalka Internet-ka, iyadoo digniin adag la siiyay qof kasta oo Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ka tirsan.

Arintan looga mamnuucay shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland isticmaalka Internet-ka ayaa ka danbeysay kadib markii shaqaalaha Wasaaraddaasi iyo kuwa kaleba ee xarumaha dowladda ka shaqeeya ay ku mashquuleen isticmaalka mareegaha xiriirka bulshada ee Facebook oo caqabad ku noqday howlihii Wasaaradda iyo habsami u socodka howl-maalmeedka.

Shaqaalaha Wasaaraddaasi ayaa lagu eedeeyay iney xiliyada ay ku sugan yihiin xafiisyada ay waqti badan ku lumiyaan isticmaalka Facebook-ga, taasina ay keentay habacsanaan shaqadii ay qaban lahaayeen ku timaado.

Qoraal digniin ah oo uu ku saxiixan yahay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa lagu dhejiyay xafiisyada Wasaaradaasi, loona qeybiyay shaqaalaha, iyadoo lagu sheegay digniintaasi in qofkii lagu arko tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

Tallaabadani ayaa ka danbeysay markii ay soo kordheen cabaashooyinka laga soo gudbiyay shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, qof walba oo ka tirsan shaqaalahana wuxuu xafiiska uu ka howlgalo uu mashquul ku noqday isticmaalka mareegaha Facebook iyo baraha kale ee xiriirka bulshada.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada