War Deg Deg Ah R/Wasaaraha Dalka Liibiya oo la afduubtay iyo Faah faahin kasoo baxaysa cida afduubatay

War Deg Deg Ah R/Wasaaraha Dalka Liibiya oo la afduubtay iyo Faah faahin kasoo baxaysa cida afduubatay

daajis.com:-Wararka saakay ka imaanaya Caasimada Dalka Liibiya ee Tripuli ayaa sheegaya in Kooxo hubeesan ay afduubteen R/Wasaaraha Dalka Liibiya Cali zeydaan.

R/Wasaaraha ayaa xiliga la afduubanayay kusugnaa Hotel kuyaala Caasimada Liibiya ee Tribuli , kooxo hubeesan ayaa loo badinayo in ay yihiin Kooxo ku fikir ah Hogaamiye katirsanaa AL-Qaaciida oo maalintii Sabtidii Ciidamada Mareykanka ka qafaasheen Dalka Liibiya.

lama oga halka lala aaday R/Wasaaraha iyo xaalada uu xiligan kusuan yahay , Warbaahinta caalamka ayaa soo bandhigaya warar ku aadan qafaalka R/Wasaaraha Liibiya oo dhacay saacado kahor.

Kooxo Islaamiyiin oo loo badinayo in qafaalka ka dambeeyeen ayaa maalmo kahor ku hanjabay in tilaabo adag ka qaadi doonaan Xukuumada Liibiya hadii aan lasii deyn Anas Al-Libi oo maalintii sabtidii ciidamo Mareykanka ah ka qafaasheen Caasimada Liibiya.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada