Wadaad caan ah oo kashifay Sirta Al Shabaab soona bandhigay Qaladaadka ay Diinta ka galayaan (Daawo Muxaadaro fiiro dheer xambaarsan)

Wadaad caan ah oo kashifay Sirta Al Shabaab soona bandhigay Qaladaadka ay Diinta ka galayaan (Daawo Muxaadaro fiiro dheer xambaarsan)

daajis.com:-Mid ka mid ah Mashaai´qada ugu caansan dalka Soomaaliya looguna jecel yahay ayaa waxa uu qabtay Muxaadaro kulul oo dhinacyo badan ka hadleeysay gaar ahaan qaraxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka Kenya iyo qaladaadka ay Diinta Islaamka ka galayaan shaqsiyaad gaar ah oo huwan magac diimeed. 


Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah Culumada ugu caansan dalka Soomaaliya ayaa waxa uu soo daliishay Axaadiis iyo Aayado Quraanka Kariimka ah ku jira kaas oo kooxaha is qarxinaya waliba daadinaya dhiiga dadka Islaamka ah iyo umadaha kale ee aanan waxba galabsan ay ku socdaan ayuu yiri wado qaldan oo halaag Aduun iyo mid Aakhiraba ku dambeeyn doonta. 

Sheekh Umul oo si toos ah u Qarxiyay qaladaadka ay Diinta Islaamka ka galayaan kooxda Al Shabaab waxa uu Muxaadaradaan sidoo kale kaga hadlay weerarkii ugu dambeeyay ee lagu qaaday daarta gancsiga dalka Kenya ee Westgate Mall iyo weerarkii hore ee lagu qaaday dalka Uganda kaas oo qorshahaas ku sheegay mid lagu doonayo in gudaha dalka Soomaaliya lagu soo daabulo ciidamo hor leh si caalamka loogu tuso in gudaha dalka Somalia laga soo weeraray. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada