Akhri magaca & dalka uu ka soo jeedo ninka Al Shabaab baray sida Qaraxyada looga sameeyo Fuustooyinka uu Shidaalka ka dhamaaday .

Akhri magaca & dalka uu ka soo jeedo ninka Al Shabaab baray sida Qaraxyada looga sameeyo Fuustooyinka uu Shidaalka ka dhamaaday .

daajis.com:-Ninka ugu qatarta badan gudaha Al Shabaab ee Ciidaka Al Shabaab baray sida Qaraxyada looga sameeyo Fuustooyinka faaruqa ah, aadna looga yaqaan gobolka Sheelada Hoose waliba ay si aad ah u doon doonayaan sirdoonka dalka Faransiiska ayaa waxaa lagu magacaabaa Ibrahim Isuddin .


Ibrahim Isuddiin oo asal ahaan u dhashay dalka Murutania balse heeysta dhalashada dalka Faransiiska waa ninka ugu qatarta badan gudaha xarakada Al Shabaab waana shaqsi heeysta aqoon Milatari kaas oo si toos ah u bara Xoogaga Al Shabaab sida loo farsameeyo qaraxyada ay wax ku haligaan gaar ahaan Qaraxyada laga sameeyo Fuustooyinka Shidaalka uu ka dhamaaday ee la jar jaro.

Ibrahim Isuddiin gudaha Al Shabaab waxaa looga yaqaan (Abu Yaasir) wuxuuna qabaa haweeneey Soomaali ah oo degmada Afgooye ka soo jeeda ,Ninkaan ayaa la aaminsan yahay inuu qaarajiyay maxbuuskii Faransiiska ahaa ee sanadkii hore lagu dilay Degmada Buulo Mareer oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose xili ay ciidamada Milatariga Faransiiska isku dayeen inay Maxbuuskaan xoog ku soo furtaan.

Abu Yaasir oo gudaha dalka Somalia yimid xiligii Maxaakiimta Islaamiga ka talin jireen inta badan dalka ayaa waxa uu u fakaday dalka Saudi Arabia markii ay dalka soo galeen ciidamada Itoobiya balse ninkaan ayaa dalka dib ugu soo laabtay dhoor sano ka dib xili uu la socday Fuad Mohamed Qalaf (Fuad Shongole) oo ka tirsan madaxda ugu sareeysa ururka Al Shabaab.

Ibrahim Isuddiin (Abu Yaasir) waa shaqsiga keenay in Rasaasta nool nool lagala baxo Baaruuda ka dibna Fuustooyinka uu Shidaalka ka dhamaaday la jar jaro si looga dhigo Qaraxyo halis ah oo meeshii la la beegsado aanan cidna ka bad baadeen .

Inta badan shacabka ku nool gobolka Sheelada Hoose ayaa waxa ay aaminsanyihiin in uu mar uun Abu Yaasir ku bixi doono gacanta ciidamada Dowlada iyo kuwa Faransiiska ama gacanta Ururka Al Shabaab ee uu baray qaabka fudud ee loo sameeyo Qaraxyada halista ah.

Ninkaan ayaa waxa ay aad iskugu dhawaayeen ama isla socon jireen xiliyadii hore Abuu Mansuur Al-amiriki oo horay loogu yaqaanay Cumar Shafiiq Xamaami balse markii dambe ku baxay gacanta hogaamiyaha Al Shabaab Axmed Godane.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada