Caasha Xaaji Cilmi oo abaalmarin caalami ah la siiyay

Caasha Xaaji Cilmi oo abaalmarin caalami ah la siiyay

daajis.com:-Marwo Caasha Xaaji Cilmi oo ah xubin ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana ah gabar u dhaqdhaqaaqda xuquuqda caalamiga ee aadanaha iyo nabadda, ayaa toddobaadkan waxaa la siiyay guddoonsiiyay abaalmarin caalami ah oo lagu siiyay dadaalkeeda ku aadan xoojinta doorka haweenka.

Caasha Xaaji oo sanadkan ku jirtay liiska 500 ee qof ee ugu saameynta weyn Dunida Muslimka, waxaa horey loo siiyay abaalmarinno caalami sida, Abaalmarinta Woman of Substance Award oo lagu siiyay magaalada Accra, Ghana (2005), Abaalmarinta Blue Ribbon Award oo lagu guddoonsiiyay Kennedy School Of Government (2006), African Women Peacemakers Award (2006), Abaalmarinta Liberty Bell oo la siiyay (2006), Alternative Nobel Peace Prize oo lagu siiyay Stockholm, Sweden (2008), Clinton Global Citizens Award oo uu guddoonsiiyay Madaxweyne Bill Clinton magaalada New York, USA (2009) iyo kuwo kale oo badan.
Caasha Xaaji Cilmi waxa ay u ololeysaa xuquuqda dumarka iyo nabadda

Caasha waxay ka mid ahayd afar gabdhood oo Afrikan ah oo la guddoonsiiyay abaalmarintan waxaana lagu siiyay magaalada Lilongwe ee dalka Malawi halkaasi oo ay ku guddoonsiisay Madaxweynaha Malawi Joyce Band.

Farxaan Maxamed Jimcaale oo wareystay Caasha Xaaji Cilmi ayaa waxa uu weydiiyay waxa abaalmarinta lagu siiyay.
BBCsomali
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada