Ciidamada Madaxtooyada Puntland oo weeraray Musharax C/dahir Yeey.

Ciidamada Madaxtooyada Puntland oo weeraray Musharax C/dahir Yeey.

daajis.com:-usharax Cabdidaahir Maxamed Yuusuf oo ka mid ah tartamayaasha jagada sare ee Puntland ayaa maanta lagu rasaaseeyey magaalada Garoowe, xili barqadii ah oo ay ka soo bexeen shirarka la xiriira khilaafka ka jira.

Musharax Yey ayaa isaga iyo ilaaladiisa waxaa lagu weeraray meel ku dhow xaruunta UN-ka ee Garoowe, waxaa jira dhaawac soo gaaray dadkii gaariga la saarnaa musharaxa madaxweyne, sida uu isagu daljir u sheegay.

Mudane Yey wuxuu sheegay in ay soo weerareen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Puntland, in kastoo dowladda aysan ilaa hadda ka hadlin weerarka lagu qaaday musharaxa iyo eedaynta loo jeediyey.

Gaariga Musharaxa ee la rasaaseeyay

“…waxaan kasoo baxay kulan ay murashaxiinta maanta lahaayeen, markaan kasoo baxay oo an marayay jidka laamiga, waa nala istaajiyey, kadibna waxaa gaarigii aan la socday lugu furay rasaas badan, waxaana rasaasta soo riday gaari ciidan wuuna cararay, wuxuuna gaarigaasi ahaa baaburta ay leeyihiin ciidanka [Madaxtooyada], waana la yaqaan oo magacyadooda ayaa haynaa saraakiishii la socotay gaarigaasi, rasaasta waxaa ku dhaawacmay qar ka mid ah xubnihii ila socday, waxaa dhaawacmay darawelkii gaariga waday…annigana wax ima soo gaarin, dhankeena wax jawaab ah ka maynaan bixin rasaasta nalaku tuuray, waana xakameenay ciidamadii illaalada ahaa ee nala socday…”

Murashaxa ayaa sheegay in arrintan laga dabo tegi doono oo sida looga hari doonin


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada