Daawo Sawirada:- Musharax Gaas oo in ka badan 500 Arday kula hadlay Jamacadda PSU ee Garoowe+warbixin

Daawo Sawirada:- Musharax Gaas oo in ka badan 500 Arday kula hadlay Jamacadda PSU ee Garoowe+warbixin

daajis.com:-Musharax Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Galabta Booqday Jaamacadda Puntland State University (PSU) Xarunteedana tahay Garoowe ayaa Hoolka Jaamacadda kula hadlay in ka Badan 500 oo Arday oo wax ka Barta Jamacadda kuliyadaheeda kala duwan. 

Musharax Gaas wuxuu ku dheeraday Faidada Waxbarasha ay u leedahay Qofka Biniadamka iyo Mustaqbalkiisa wuxuuna Dardaran adag ka yiri Jahliga iyo sida loogu baahanyahay in Bulshada si wadajir uga hortagto.

Gaas ayaa Tusalooyin Xiisa geliyay Ardayda u soo qatay kuwaaso dhamantood ku saabsana Tacliinta iyo Isbedelka ay ku keeni karto Dadka, wuxuu dhiirageliyay sida Dhalinyarada ay ugu howlanyihiin in ay wax ka bartaan Jaamacadaha Dalka.

“Puntland uma Bahna Isbedel Siyaasadeed keliya Waxay u baahantahay Isbedel Tacliimeed Mid Dhaqaale Horumarin iyo mid Amni oo si dhaqso ah lagu gaaro ” ayuu yiri Gaas

Dadweynaha Reer Puntland ayuu ku amanay sida ay ugu heelanyihiin Isbedel ka hanaqada Puntland Doorashada soo socota isagoo ka duulayay Dadkii iyo Deeganadii uu socdaalka ku soo maray Deeganada Puntland Dhowaan.

Boqolalkii Arday ee Jamacadda ku sugna Galabta ayuu u balan qaday hadii uu ku gulaysto iyo haddi kalaba in wax badan uu ka qabanayo dhanka Tacliinta isagoo balanqaaday in uu Wakhtigiisa qayb kamid ah uu siin Doono sidii uu Jamacadda Casharo uga bixin lahaa, taasina waxay sababatay in Ardaydii ay Sacab iyo farxad la sara Istaagan iyagoo Xiisaynayay Balanqadkaas.

Qaar kamid ah Ardayda ayaa Musharaxa su’alo ka weydiiyay waxyabo badan oo Maanka ay ku hayeen, qaar waxay wax ka weydiyeen Dhanka Cadaaladda waxa uu ka qabanayo haddi uu ku Gulaysto Doorashada qaar waxay wax ka weydiyeen Dhanka Waxbarashada, halka Qaarkoodna ay tilmaameen Su’alna ka weydiyeen waxa uu ka qabanayo haddi uu ku Gulaysto qaladad badan oo ka muuqanayo Dhanka Maamulka iyo Hay’adaha Dowladda, Maamulka Wakhtigiisa sii dhamanayo.

Musharax Gaas wuxuu balan qaday in uu wax ka qaban doono Dhinacyo badan oo la ilaaway sida Musharaadka Ciidamada iyo Shaqalaha oo Maalinkasta bulshada iyo Hay’adaha Dowladdaba u haya Adeeg Xusid mudan, wuxuuna ka Jawaabay Dhamaan Su’alaha Ardayda isagoo taabtay in Isbedelka uu Doonayo ay ka dhex Muqan doonan Dhamaan waxyabaha ay Bulshada tabayaan.





_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada