Aguero Iyo Yaya Toure Oo Ugu Baaqay Messi Inuu Ku Biiro Manchester City.

Aguero Iyo Yaya Toure Oo Ugu Baaqay Messi Inuu Ku Biiro Manchester City.

daajis.com:-Xiddigaha Manchester City Yaya Toure iyo Sergio Aguero ayaa ugu baaqay Lionel Messi inuu kula soo biiro Etihad Stadium.

Waxaa la isla dhexmarayay in mustaqbalka xiddiga reer Argentina ee Barcelona inuu shaki ku jiro ka dib markii Messi uu isbuucii hore weerar ku qaaday madaxweyne ku xigeenka Barca Javier Faus, isagoo sheegtay in agaasimaha uusan waxba ka aqoonin kubada cagta.
Waxaana dhibaatadaas sii dheer dhaawacyada soo wajahay Messi kaasoo aan ciyaarin tan iyo bilowgii bishii November ka dib markii dhaawac muruqa ah uu soo garay kulan ay ka horyimaadeen real Betis.
Yaya Toure oo u hadlayay TV-ga beIN Sport ayaa yiri: “Haddii Messi uu ka tagi karo Barca, waa inuu anaga noo yimaado, haa! Waxaan doonayaa inaan dhaco haa! Barcelona kaliya hal xiddig ayuu boos uga banaan yahay, labo xiddig macquul ma ahan.

“Dhaawacii dhawaan Messi soo gaaray iyo dhibaatada heysata shaqsi ahaan iyo Neymar oo la sii dalacsiinayo, waa hubaal Messi waa ay ku adag tahay.”
Messi saaxiibkiisa xulka Argentina Aguero ayaa isna u sheegay Manchester Evening News: “Haa, waa inuu yimaado City. Markaas waa hubaal waa iska garab ciyaari doonaa! City waa inay isaga soo iibsato!”
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada