Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama oo shaaciyay in Gabdhihiisa iminka ay ufasaxan yihiin Shukaansi ama Hasaawid + Sawiro

Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama oo shaaciyay in Gabdhihiisa iminka ay ufasaxan yihiin Shukaansi ama Hasaawid + Sawiro

daajis.com:-Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Mustaqbalka Labadiisa Gabdhood xili maalinimadii shalay uu ka qayb galay barnaamij Talk Show ah oo uu daadihinayay Suxufiga caanka ah ee Steve Harvey .
Obama ayaa labadiisa gabdhood waxa uu shaaciyay in iminka ay yihiin dad xuriyad buuxda u leh in ay la haasaawaan ama ay shukaansadaan shaqsigii ay ka helaan iyagoo hab kasta ku keensan kara ayuu yiri,
Obama ayaa inta Talk Showga uu socday wuxuu shaaciyay in labadiisa Gabdhood ay iminka aalada Internetka ay saaxiibo fara badan  ku leeyihiin balse iminka uu ufasaxayo sidii ay dooqooda kusii raadsan lahaayeen maadama ayuu yiri waqti fara badan aysan u haynin la kulanka asxaabtooda iyagoo inta badan ilaalo fara badan ay la socdaan.
Obama Caruurtiisa ayaa iminka ku kala jira da’da Malia, 15 Jir, and Sasha,  12 Jir.
Madaxweynaha dalkaasi Maraykanka ayaa ku kaftamay xitaa hadii mar seddexaad loo ogolaan ahaa inuu iskusoo sharaxo xilka Madaxtinimada Maraykanka uusan aqbalayn sababa la xiriiri ayuu yiri Caruurta uu dhalay oo xili kasta lagu ilaaliyo Qori caaradiisa isla markaana ka dhex tilmaaman bulshada kale ee Maraykanka taasi oo iyagana aysan u heli karin fursad ay kula kulmaan Shaqsiga ay jeclaadeen.




_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada