Ra'izul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya oo Dhambaal Farxadeed ka helay Rajab Dayib Ardugaan

Ra'izul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya oo Dhambaal Farxadeed ka helay Rajab Dayib Ardugaan

daajis.com:-Ra’iisul Wasaaraha dalka Turkiga mudane Rajab Dayib Ardugaan ayaa dhanbaal hambalyo ah u soo diray dhiggiisa dalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Shiikh Axmed, oo dhowaan loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Dhambaalkan hanbalyada ah ee uu Ra’iisul Wasaaraha Turkigu u soo diray dhiggiisa Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in dowladda Turkigu ay rajaynayso in labada qaran ay sii xoojiyaan xiriirka walaaltinimada iyo saaxiibnimada ku dhisan ee labada ummadood.

Mudane Ardugaan ayaa sidoo kale dhanbaalkiisa hanblayada ah ku sheegay in uu filayo in xukuumadda uu hoggaamin doono mudane Cabdiweli Shiikh Axmed ay noqon doonto mid ku guuleysata hawlaha qaran ee loo igmaday iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed, iyo weliba in ay noqoto mid beesha caalamka kala shaqaysa sidii nabad iyo xasilooni loogu soo dabbaali lahaa dalka Soomalaiya

Ugu damayntii waxa uu Ra’iisul Wasaaraha Turkiga mudane Rajab Dayib Ardugaan xaqiijiyey in dowladdiisu ay sii wadayso dadaalada dib loogu dhisayo Soomaaliya, isagoo caddeeyey in ay ka go’an tahay in xilliyada soo socda ay la shaqeeyaan dowladda Soomaaliya.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada