Daawo:- Isku Aadka Wareega 16ka Champions League Oo La Soo Saaray iyo Kooxo Waa weyn oo Madaxa la isku galiyay

Daawo:- Isku Aadka Wareega 16ka Champions League Oo La Soo Saaray iyo Kooxo Waa weyn oo Madaxa la isku galiyay

daajis.com:-Waxaa xilli dhow magaalada Nyon ee dalka Switzerland lagu qabtay isku aadka wareega 16ka Champions League, waxaana ka soo baxay kulamo xiiso badan halka kooxaha qaar ay heleen kulamo ka sahlan kuwii ay filayeen.

Kulanka ugu xiisaha badan ayaa ah kooxda ay ugu horeyso wareegan 16ka ee Champions League Manchester City oo lugta hore soo dhaweyn doonta kooxda Barcelona, kulankaan ayaana ah kulanka la is dhihi karo waa midka isha lagu heyn doono.

Sidoo kale kooxda difaacaneysa koobkaan ee Bayern Munich ayaa lugta hore ee wareegaan u safri doonta Arsenal iyadoo labada kooxood ay isa soo arkeen xilli ciyaareedkii hore isla tartankaan.

Tababare Jose Mourinho ayaa helay wixii uu rajeynayay iyadoo ay iska horimaanayaan halyeeygiisii hore Didier Drogba marka Galatasaray iyo Chelsea ay iswajahaan.

Man United ayaa isku aad sahlan heshay waxaana ay lugta hore ee wareega 16ka booqan doonaan kooxda Gariiga ee Olypiakos, halka kooxda heysata todobada jeer Champions League ay ka badbaaday kooxaha waa weyn laakiin waxaa ku soo aaday kooxda haatan ka muuqata La Liga ee Atletico Madrid.

Kooxda ceyrsaneysa koobkeeda 10aad ee Champions League Real Madrid ayaa iyadana heshay isku aadka yara fudud waxaana ay wareega 16ka wajahayaan kooxda reer Jarmal Schalke.

Lugta hore ee wareega 16ka waxaa la ciyaari doona 18ka iyo 19ka iyo 25ka iyo 26ka ee bisha Febraayo, halka lugta labaad la ciyaari doono 11-12 iyo 18-19 March.

Isku aadka wareega 8da ayaa isna si gooni ah loo qaban doonaa 21ka March, halka Semi-finalka isku aadkiisa isna si gooni ah loo qaban doono 11ka April. Koobka Finalkiisa waxa uu ka dhacayaa garoonka Estádio do Sport Lisboa ee Benfica 24ka May.

Isku Aadka Wareega 16ka Oo Dhameystiran:


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada