Daawo Video:- Labo Nin Soomaali ah oo 260 Km u lugeeyay ka qeybgalka Tacsida Mandela

Daawo Video:- Labo Nin Soomaali ah oo 260 Km u lugeeyay ka qeybgalka Tacsida Mandela

daajis.com:-Laba nin oo Soomaali ah oo lagu kala magacaabo Cumar Maxamed Cawaale iyo Cabdi Xassan Jaamac ayaa ku lugeeyay wadada Afrika ugu dheer Afrika ee N1 kuwaasi oo lugeeyay masaafo dhan 260 Km.

Labadan nin oo watay Calanka Soomaaliya iyo kan Koonfur Afrika ayaa waxay kasoo lugeeyeen magaalada Polokwane,  si nabad ahna kusoo gaaray Caasimada Pritoria, waxayna lugeeynayeen ilaa 72 saacadood.


Waxay sheegeen Labadan nin ujeedada ay u lugeynayeen iney tahay iney muujiyaan qiimaha uu bulshada ku dhex lahaa Mandela iyo iney muujiyaan abaalka ay u hayaan Mandela oo xiligii uu Madaxda ka ahaa Koonfur Afrika soo dhoweeyay Soomaalida.

HALKAN KA DAAWO VIDEO SOOMAALIDAN LUGEYSAY 260 KM

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada