Daawo Video:- Wiil Soomaali ah oo ku guulestay Barnaamijka Belgium's Got Talent iyo Wiilka oo Farxad La Suuxay!!

Daawo Video:- Wiil Soomaali ah oo ku guulestay Barnaamijka Belgium's Got Talent iyo Wiilka oo Farxad La Suuxay!!

daajis.com:-Wiil Soomaali ah ayaa waxaa la sheegay inuu markii ugu horeysay taariiqda dalkaas Beljamka uu ku guuleystay barnaamijka heesaha hirgalay ee dalkaas Beljamka ee loo yaqaan Belgium's Got Talent. 

Ibraahim Cilmi Qaalib oo mgaciisa faneed loo yaqaan Junbox oo 21 sano jir ah ayaa waxaa la sheegay inuu ku guuleystay barnaamijka faneedka loo yaqaan Belgium's Got Talent ee dalkaas Beljimka, wiilkaan Soomaaliyeed ayaa waxaa uu ku guuleystay gaar ahaan gobolka loo yaqaano WalloniÄ— oo looga hadlo luqada Faransiiska iyo Jarmalka, Wiilkaan Soomaaliga ah oo soo bandhigay qoob ka cayaar cajiib ah ayaa laga soo bilaabo ilaa iyo markii uu bilaabay ka soo qeybgalka barnaamijkaas waxaa sii kordhaayey shacbiyadiisa iyadoona uu ugu danbeyn uu ku guuleystay barnaamijkaas lagu magacaabo Belgium's Got Talent ka dib markii ay kaalinta kama dambeysta ay isugu yimaadeen koox lagu magacaabo Chris Watson ka dibna uu ku guugleystay halkaas Ibraahim Cilmi Qaalib ama Junbox oo ah wiilkaas Soomaaliga ah. 

Ugu dambeyntiina wiilkaan Soomaaliga ah oo guusha u soo hoyatey ay filan waa ku noqotey islamarkaana ay indhihiisu ay ilmada ka qubanayso ayaa waxaa uu u mahad celiyey hooyadiis oo uu sheegay inay kaalin weyn ku lahayd guushiisa u soo hoyatey, hooyada dhashay wiilkaas oo goobtaas soo xaadirtey ayaa waxaa uu ku sheegay inay ahayd markii ugu horeysay oo ay ka soo qeybgasho barnaamijkaas oo LIVE ka ahaa telefishinka dalkaas Biljamka, Wiilkaan Soomaaliga ayaa waxaa uu guushiisa ka dib salaan u direy ciyaar yahanka weyn Lionel Messi iyo kooxdiis reer Barcelona maadaama ay ka wada shaqeeyeen filim xayeysiin ahaa oo ay wadajir u sameeyeen shirkada diyaaradaha Qatar Airways iyo kooxda Barcelona iyadoona filimkaas uu wiilkkaas Soomaaliga ah uu ku jiro xilli uu ka caawiyey ama uu baraayey ciyaaryahanka Lionel Messi qaabka la isugu xiraayo ciyaar dance ah iyo kubada taas oo si cajiib ah ay ugu soo bandhigeen xayeysiintaas. 


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada