Daawo Sawirada:- Dowladda oo ciidamo AMISOM ah geeysay goobihii lagu dagaalamay ee Sh/hoose

Daawo Sawirada:- Dowladda oo ciidamo AMISOM ah geeysay goobihii lagu dagaalamay ee Sh/hoose

daajis.com:-Wafdi uu hogaaminayay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya oo ka koobnaa xildhibaanno iyo odayaal dhaqameed ayaa galinkii dambe ee shalay dib ugu soo laabtay Magaalada muqdisho ka dib muddo sadex maalmood ah oo ay howlo dhex dhexaadin ah u joogeen deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose.


Xubnaha wafdiga ayaa mudada ay booqanayeen Gobolka waxa ay socdaal ku soo kala bixiyeen degmooyinka janaale iyo Number 50 ka dib markii ay dagaal beeleedyo ay ku soo lab laabteen maalmihii ugu dambeeyay inkastoo wafdigu uu ku guuleystay inuu kala qaado maleeshiyaadkii is horfadhiyay islamarkaana maleeshiyaadkaasi  ay ku xareeyeen Xerooyin ay ciidamada milateriga ku leeyihiin gobolka shabeellada hoose si loo Qaramaeeyo.

Wasiirka difaaca C/Xakiim Xaaji Faqi oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in safarka wefdigaasi guul ku soo dhamaaday isagoo sharaxaya waxyaabaha ay isla meel dhigeen, isagoo sheegay halka lagu dagaalamay ay geeyeen Ciidamo nabadda suga oo AMISO iyo kuwa Soomaali ah.
Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada hoose C/qaadir Siidii ayaa soo dhaweeyay guulaha uu wefdiga ka socda dowladda ka gaaray xallinta khilaafaadka iyo dagaal beeleedyada halkaasi dhawaan ka dhacay.


Xildhibaan Cumar maxamuud Cumar finish oo ku hadlayay magaca xildhibaannada xubanha ka ahaa wafdiga Dowladda ee tagay Shabeellada hoose ayaa soo dhaweeyay sida uu wafdiga ugu guuleystay in maleeshiyaadkii la kala qaado si xal waara loo gaaro.

Xubnaha wafdiga ayaa muddadii ay joogeen Gobolka Shabeellada hoose waxa ay soo booqdeen Goobo dab la qabad siiyay sida guryo,Goobo Ganacsi , iyo Makiinnado si gaar ah loo leeyahay,  kuwaasi oo ku yaalla degmada number 50. Iyadoo dadka ku hantida beelayna ay ka codsadeen dowladda federaalka ah iyo hay’adaha samafalka ka shaqeeya in ay u soo gurmadaan maadaama aysan haysan wax ay ku noolaadaan iyo hooy ay degaan intaba…

Dowladda Soomaliaya ayaa juhdi iyo dedaal dheer ku bixisay xallinta khilaafaadka ku salleysan is qab qabsiga beelaha iyadoo wafuud kala duwan u dirtay gobollo kale oo ka baxsan gobolka shabeellada hoose sida Hiiraan iyo Shabeellada dhexe.



_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada