Qaar kamid ah Telefishinada ugu waa weyn ee Dalka Kenya oo Maalintii Sadaxaad hawada ka maqan

Qaar kamid ah Telefishinada ugu waa weyn ee Dalka Kenya oo Maalintii Sadaxaad hawada ka maqan

daajis.com:-Qaar kamid ah Telefishinada ugu waa weyn ee Dalka Kenya ayaa maalintii Sadaxaad hawada ka maqan kadib markii Maxkamada sare ee Dalkaasi amartay in laga badalo habka ay ku shaqeeyaan kuna baahiyaan Muuqaaladooda.

Maxkamada sare ee Dalka Kenya ayaana ku amartay Telefshinada hawada ka maqan ee ka howl galayay Dalkaasi oo markoodii horey wax ku baahin jiray Analog loona badalo qaabka casriga ee Degital.

Garsooraha maxkamadda sare ee dalka Kenya David Majanja oo ah ayaa waxa kama jiraan kasoo qaaday codsi ay soo qoreen golaha warbaahinta qaranka dalkaasi, oo ahaa in dib loo dhigo go’aanka lagu soo rogay telefishinada dalkaasi.

David Majanja ayaa sheegay in aan marnaba la aqbali doonin in Telfishinada ka howl gala Dalka Kenya ee kusii shaqeeyaan qaabkoodii hore laganadoonayo in ay u hogaansamaan amarka ah in ay u wareegaan Qaabka Digitalka ah.

Telefishinada ka maqan hawada ee dalka Kenya ayaa ah kuwa loogu jecel yahay, waxa ayna kala yihiin Citizen, Nation TV iyo KTN, iyadoo si caadi ah hawada ay ugu jiraan labada telefishin K24 iyo Telfishinka Dowlada ee KBC.

Qareenka u doodaya telefishinada hawada ka maaqan ee Paul Muite ayaa sheegay in go’aan ay qaadatay maxkamadda ay racfaan ka qaadan doonaan, si xal loo helo Telfishinada hawada ka maqana ay dib hoolahooda u bilowdaan.

Telefishinada Hawada ka maqan Madaxdooda ayaa ku doodaya in macaamiishooda aysan heli karin qalabkan casriga ee Digital ee Barnaamijyadooda iyo Wararkooda ayna saameyn badan ku keeneyso amarka Maxkamada .
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada