Daawo Sawirada:- Xarunta Maktabadda Qaranka ee magaalada Muqdisho oo dib u dhis lagu bilaabay

Daawo Sawirada:- Xarunta Maktabadda Qaranka ee magaalada Muqdisho oo dib u dhis lagu bilaabay

daajis.com:-Magaalada Muqdisho waxaa maanta looga dhawaaqay in la furi doono Maktabaddii Qaranka oo ku burburtay dagaalkii ka dhacay Soomaaliya horraantii 1991.

Magaalada Muqdisho waxaa maanta looga dhawaaqay in la furi doono Maktabaddii Qaranka oo ku burburtay dagaalkii ka dhacay Soomaaliya horraantii 1991.
Xaflad lagu maamuusayay mashruucan dib loogu dhisayo maktabadda ayaa waxa laga sheegay in hadda la hayo ilaa labaatan kun oo bug, qaar badan oo kalena la filayo.
Maamulaha Mashruuca Saynab Xasan, ayaa BBC u sheegtay in la dareemay baahida dadku ay u qabaan maktabad, iyada oo sheegtay inay jiraan kumanaan ardey Soomaaliyeed oo aan heysan meel ay ka helaan buugaag.

Maktabadda waxay ku burburtay dagaalladii sokeeye

Fikradda in dib loo dhiso Maktabadda Qaranka waxa ay ka timid Machadka Daraasaadka ee Heritage, iyada oo ay gacan ka geysanayaan dowladda Soomaaliya, ganacsatada iyo qeybaha bulshada sidii dib loogu dayactiri lahaa dhismaha, waxaana dayactirka iyo qalabeytu qaadan doonta muddo lix bilood ah.
Dhismaha Maktabadda ayaa waxay hoy u ahayd qoysas Soomaaliyeed oo dhawaan dowladdu ay ka saartay.



BBC-somali
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada