Daawo Sawirada:- Iyo Warbixin ku aadan Tirada Saxafiyiinta Sanadkan lagu Dilay Caalamka iyo Sababta loo dilay

Daawo Sawirada:- Iyo Warbixin ku aadan Tirada Saxafiyiinta Sanadkan lagu Dilay Caalamka iyo Sababta loo dilay

daajis.com:-Hay’adda wariyaasha aan xaduuda laheyn ayaa warbixin ay soo saartay oo ay kaga hadlaysay tirada wariyaasha dunnida lagu dhibaateeyay sanadkaan waxaa ayna sheegtay Hay'adu in sanadkaan oo aan willi dhamaan dunnida lagu dilay 71 wariye.

Warbixintaan waxaa lagu sheegay in sanadkaan wariyaal badan lagu dilay wadamo ay ka mid yihiin Soomaaliya, Syria iyo Pakistan sida warbixintaan lagu sheegay.


Hay’adda wariyaasha aan xaduuda laheyn waxay sheegtay in 71 wariye ee la dilay ay u dhigan tahay in 20% wariyasha caalamka la la dilay waxaa la xiray 826 wariye halka loo hanjabay 2160 wariye.

Warbixintaan waxaa sidoo kale lagu sheegay in 87 wariye lagu qasbay inay dalalkooda ka cararaan oo ay wadamo kale tagaan.

39% wariyaasha waxaa lagu dilay furomo dagaal waxaana ay ahaayee wariyaal warbaahin kala duwan u shaqeeya halka 8% ay ahaayeen wariyal madax banaan waliba 4% dumar ayay ahaayeen.

Hay’addu waxay wal wal badan ka muujisay koroka beegsiga wariyaasha oo loo bartilmaamaysto shaqadooda oo kaliya sida warbixintaan lagu xusay.


Xog’hayaha guud ee ururka wariyaasha aan xaduuda laheyn Christophe Deloire ayaa sheegay inuu jiro koror la xiriira in la beegsado wariyaasha.

Wadamada Saxaraha ka hooseeya oo ay Soomaaliya ugu horeyso, waqooyiga Africa ,gobolka Bariga dhexe, iyo wadamo kale oo Latine America ayaa ah wadamada ugu badan ee wariyaashu tacadiyadu kala kulmaan waxaana sanadkii labaad willi safka hore ku jira wadamada Soomaaliya, Syria iyo Pakistan halka qeybta hoose ay ka hogaaminayaan wadamada Philippine Mexico iyo Brazil.

Xogtaan waxay muujinaysa in 71 wariye ee la dilay ay 37% u shaqaynayeen wargeysyo, 30% waxay ka tirsanaayeen Idaacado 30% Telefishino hal 3% ay websityo ka howlgalayeen.


Hay’addaan waxay ku tilmaantay dalalka China, Eritrea, Turkey, Iran iyo Syria inay yihiin 5 dal ee hogaaminaysa wadamada wariyaasha lagu xiro ee haddana lagu jir dilo.


Dhanka Soomaaliya marka la eego warbixintu dawlada iyo Al-Shababa waa ay ku eedeysay dhibaateynta wariyaasha Soomaaliyeed ee dalka ka shaqeeya.




_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada