Daawo yaabka iyo kala cararka dhacay:- Qaraxyada nuucii Al Shabaab laga bartay oo Wasaarada gaashaandhiga Sanca lagu qaaday

Daawo yaabka iyo kala cararka dhacay:- Qaraxyada nuucii Al Shabaab laga bartay oo Wasaarada gaashaandhiga Sanca lagu qaaday

daajis.com:-Kooxaha Al Qaacida gaar ahaan Al Shabaab iyo kuwa kale ayaa waxaa moodaa markaan inay is wada og yihiin oo ay u wada dagaalamaan si farsameeysan oo isku mid ah balse ku cusub bulsho weynta Caalamka. 

Al Qaacidada Yaman ayaa markii ugu horeeysay koobiyeeysay Qaraxyadii halista ahaa ee looga bartay kooxda Al Shabaab kaas oo ah in gaari miineysan lagu dhufto marka hore xarun caan ah ka dibna ay lug ama ifantari ku soo galaan kooxo hubeeysan oo doonaya ugu dambeeynta inay wada dhintaan. 

Wasaarada Gaashaandhiga dalka Yaman oo ku taala magaalada Sanca ee caasimada dalkaas ayaa waxaa weerar qorsheeysan ku soo qaaday kooxaha Al Qaacida kuwaas oo xitaa gudaha u galay Isbitaal Milatari oo halkaas ku dhex yiilay waxeeyna dhimashada iminka sii caga cageeneysaa in ka badan 52-qofood. 

Dagaalka ayaa dhoor saacadood socday waxaana gudaha wasaarada Difaaca qeeybta Isbitaalka Milatariga lagu dhex dilay Ajaanib qaarkood u dhashay dalalka Jarmalka, Venezuela iyo Philipines. Maleeshiyaadka soo weeraray xarunta gaashaandhiga ama difaaca Sanca ayaa ku soo labistay dharka ciidamada Milatariga dalka Yaman. 


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:27 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada