Fanaanada Shakiira oo sanadka Cusub doonaysa in ay ka tunto Imaaraadka Carabta

Fanaanada Shakiira oo sanadka Cusub doonaysa in ay ka tunto Imaaraadka Carabta

daajis.com:-Fanaanada Shakiira oo noqotay mid shaashadaha ka baxday wixii ka danbeeyay markii la guursaday ayaa iminka doonaysa in ay ka tunto munaasabada sanadka cusub dalka iskutaga imaaraadka Carabta.

Shakiira ayaa gaartay Dubai Axadii shalay waxa ayna doonaysaa in halkaa ku qabato Bandhig wayn oo Kumanaan taageerayaaal ah ka soo qab gali doonaan marka la gaaro habeenka sanadka cusub.  

Xiddigtaa ayaa xustay in qorshaynayso in dib u soo ceshato tageerayaasheeda kadib markii shaashadaha ka baxday waxa ayna iminka dagaaal ugu jirtaa sidii ugu guulaysan lahayd tageerayaal badan.

Shakiira ayaa dhawaan waxa ay Bandhig wayn ku qabatay Dalka Ustaraaliya halkaa oo ay socdaal ku gaartay hayeeshee iminka ayaya doonaysaa in ka soo muuqato xafladaa habeenkaa Sanadka cusub.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada