Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud oo si kulul uga hadlay Dhaqaatiir Maanta lagu laayay Duleedka Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud oo si kulul uga hadlay Dhaqaatiir Maanta lagu laayay Duleedka Muqdisho

daajis.com:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa si kulul u cambaareeyey dilkii waxashnimada ahaa ee loo geystey Dhakhaatiirtii Siiriyaanka iyo kuwii Soomaalida ahaaba, oo maanta lagu dilay agagaarka Siinka dheer ee duleedka Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay falkan mid lagu doonayo in sumcada, karaamada iyo sharafka Soomaaliyeed wax loogu dhimo, isla markaana lagu tuso caalamka in Soomaaliya aysan nabadi ka jirin. Dowladda waxaa ka go’an in la sii wado nidaamka dowladnimada, kala danbeynta iyo soo celinta sumcadda, karaamada iyo sharafka ummaada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa sheegay in hay’adaha amniga oo ku howlan baaritaanka falkan waxashnimo inay soo dedejiyaan isla markaana ay kuwii ka danbeeyey falka dilka Dhakhaatiirta in sharciga la horkeeno.
Falkan ayaa maanta si arxan la’aan ah loogu dilay Dhakhaatiir oo 3 ka mid ah u dhasheen dalka Siiriya iyo Soomaali isagu jirta oo u adeegayey bulshada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa shacabka iyo dowladda Siirya uga tacsiyeeyey geerida 3 da takhaatiir ee Siiriyaanka ah oo u joogay dalka inay shacabka ka saacidaan dhanka caafimaadka.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada