Muqdisho oo laga furay xafiis laga qaato Teesaraha aqoonsiga iyo muwaadinimada.

Muqdisho oo laga furay xafiis laga qaato Teesaraha aqoonsiga iyo muwaadinimada.

daajis.com:-Waxaa maanta magaalada Muqdisho laga furay xafiis dadka loogu sameynayo Teeraha Aqoonsiga iyo warqada muwaadinimada ee cadeyneysa muwaadinnimada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeybgalay munaasabadii furitaanka xafiiskan ayaa sheegay in tallaabadani ay ka qeyb qaadaneyso sugida amaanka iyo in cid aan la ogeyn ay ku kacdo fal amniga wax u dhimaya. Waxaana qofka qaadanaya Kaarkaan macluumaadkiisa uu keydinayo Computer.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) wuxuu sheegay in qofka sameysanaya kaarka aqoonsiga iyo warqadda muwaadinnimada laga doonayo inuu buuxiyo foom, islamarkaana uu shubo lacag dhan 15 dollar iyo bar.

Tarsan wuxuu tilmaamay in arrintan ay meesha ka saari doonto waraaqaha been abuurka ah, iyo in cid aan la ogeyn ay ku kacdo fal amniga wax u dhimaya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa shalay u dhawaaqay iney shacabka Soomaaliyeed qaataan waraaqaha aqoonsiga muwaadinimada muujineyso.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada