Netherlands: Sirdoonka oo ka walwalsan in Jihaadka iyo Mintidnimada ay noqoto lifestyle

Netherlands: Sirdoonka oo ka walwalsan in Jihaadka iyo Mintidnimada ay noqoto lifestyle

daajis.com:-Sirdoonka Qaarada Yurub ayaa aad ugu walwalsan wax uu wargeyska De Volkskrant ku tilmaamay ‘pop jihadists’ oo uu ula jeedo Dhalinyarada Muslimiinta ee danayanaya in ay sameeyaan calaamado Argagaxisnimo kadibna ay ku baahiyaan Aaladaha xiriirka dadweynaha ee social media

Waaxda ka hortagta Argagaxisada ee Netherlands ayaa wargeyska u sheegtay in fikrada Jihad oo macnaha loola jeedo ay tahay dagaalka Barakeysan ay noqotay wax aad loogu walwalo ”lifestyle” ama wax nolosha ka mid ah oo lagu daysado.

Waxa uuna intaasi ku daray in ay sii kordhayaan tirada dhalinyarada la tashkiiliyay ee noqday xagjir iyadoo qaarkood ay aadeen Suuriya si ay ugu dagaalamaan, waxaana hada ay gaarayaan 100 dhalinyaro ah inta aaday Suuriya ee ku biirtay dagaalka.

Isniintii shalay ayaa la xaqiijiyay in Qofkii todobaad ee Hollandees ah uu ku dhintay dagaalka ka socda Suuriya kaas oo lagu magacaabayay Abu Jandal kana tagay Magaalada Deft ee Netherlands.

De Volkskrant ayaa wareystay bishii June isagoo sheegayay in uu u xiisay qoyskiisa waxa uuna u dhintay dhaawac ka soo gaaray dugeyn lala eegtay intii uu ku jiray Dagaalka labo todobaad ka hor.

Ilo wareedyo ayaa wargeyska u sheegay in dhalinyaro badan ay ka baxeen Arnhem, Ede-Wageningen, Zwolle, Eindhoven, Utrecht iyo Rotterdam oo ay aadeen Suuriya balse waalidiintooda ay qarinayaan iyagoo ka cabsanaya dareenka shacabka iyo sida loo arkayo.

Tusaale ahaan 15 dhalinyaro ayaa ka baxday Arnhem balse afar ka mid ah ayay ogtahay Dowlada iyadoo inta kale aysan sheegin waalidkood iyo dadka qaraanbada ee la socda.

Waxaa sidoo kale ay ka baxaan dhalinyarada Muslimiinta dalalka kale ee Belgium, Germany iyo England sida lagu qorey wargeyska.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada