Daawo Sawirada:- Maradona oo Meel uga dhacay Wasiiro katirsan Dowlada Al Jeeriya kadib markii Hortooda uu ku dhunkaday ..

Daawo Sawirada:- Maradona oo Meel uga dhacay Wasiiro katirsan Dowlada Al Jeeriya kadib markii Hortooda uu ku dhunkaday ..

daajis.com:-Ciyaaryahankii Hore Xulka Arjantiin Diego Maradona ayaa lagu eedeeyay in uu meel uga dhacay dowlada Algeria Xili ay dowlada Dalkaasi ku casuuntay xaflad ay lahayd shirkada Talefanada ee Mobiliis .

Maradona ayaa si weyn loogu Casuumayay Xaflada ka dhaceysay Dalka Al-Jeeriya waxa uuna la fadhiistay Madax kala duwan oo Xaflada xaadir ku aheed sida Wasiiro katirsan Dowlada Dalkaasi.

Maradona ayaa saaxiibtiis oo la socotay ku dhunkaday meesha ay wada fadhiyeen isaga iyo qaar kamid ah Golaha Wasiirada dowlada Al-geria taas oo keentay in uu xanaaq dartiis uga Joogsado goobta Xaflada Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Dalkaasi Maxamed tuhmi .

Wasiirada Isgaarsiinta Al-Geria Suhra Duduurii oo iyana goobta Xaflada fadhisay ayaa yaab iyo fajac darteed uga jeesan weysay habdhaqanka foosha xun uu ku dhaqaaqay Mucjisadii hore ee Kubada Cagta Diego Maradona iyo Saaxiibtiis .

Dowlada Al-Geria ayaa go'aan ku gaartay in heshiiska looga baxo Maradona maadaama uu ku kacay fal ay dhibsadeen Madaxda Dalkaasi oo falkaas kula kacay waxaana laga reebtay lacag hora loogula heshiiyay oo ahayd Hal malyan oo Uero waxaa la isla gartay in la siiyo 700.000 waxaana Ganaax ahaan looga reebtay lacag dhan 300.000 Uero.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada