Puntland:- 83 qof oo sanadkan laga helay HIV IADS, sanadkii horena 721.

Puntland:- 83 qof oo sanadkan laga helay HIV IADS, sanadkii horena 721.

daajis.com:-Kowda bisha Dicember oo ah sanad guuradii 25-aad ee maalinta AIDS-ka adduunka ayaa si weyn looga xusay dalalka caalamka, iyadoo munaasadan goobaha ay ka dhacday ay ka mid aheyd gobolada dalka Soomaaliya.

Wasaaradda caafimaadka ee Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa munaasabadan darteed waxay shaacisay in sanadkan 83 qof oo qaba cudurka HIV/AIDS laga helay deegaannada Puntland.

2006-dii deegaanada Puntland ayaa waxa cudurkaasi laga xelay 721 qof uu qaba cudurkaasi,waxase uu agaasimuhu tilmaamay in sanadkaan ay si aad ah u hooseeyso tirada laga helay cudurka AIDS-ka ayna tira ahaan gaarayaan 83 qof.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Putland Dr. Cabdirisaaq Xirsi Xassan oo uu hadalkan ka sheegay munaasibad lagu xusayay maalinta AIDSka aduunka, isagoo sheegay in tirada dadka qaba cudurka ay sanadkan ka yar tahay intii la diiwaan-galiyay sanadihii hore.

Dhanka kale waxaa qoraal kasoo baxay xafiiska Agaasimaha Hay’adda UN Population Fund (UNFPA) Dr. Babatunde Osotimehin ayuu ugu hadlay halista cudurkani iyo saameynta uu dunida ku yeeshay, isagoo sheegay in sanadkan uu hoos ugu dhacay sanadihii hore.

“Dadka uu cudurkan haleelo maalin walba waa 6,300 oo qof dunida oo dhan, kuwaasoo ah dhallinyaro ay da’doodu u dhexeyso 15 illaa 24-sano jir, inta ugu badanna waa haween,” ayuu Dr. Osotimehin ku yiri war-saxaafadeedka uu kaga hadlay cudurkan halista ah.

Mar uu ka hadlay dhibaatada cudurka ayuu sheegay in inuu inta badan hor-seedo dhimashada haweenka ku jira xilliga wax soo saarka, sidoo kalena uu sababo ugu yaraan 20% dhimashada haweenka xilliga dhalmada.

Intii u dhexeysay sannadihii 2005-ta illaa 2012-ka dhimashada lala xiriiriyo AIDS-ka ayaa waxay sare u kacday 50% oo inta badan dhallinyaro ah, halka 30% oo dunida oo dhan uu hoos u dhacay,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in cudurkan uu saacad walba 50 dhalinyaro ah oo gabdho u badan uu saameeyo. Gabdhaha qaan-gaarka ah ee uurka leh ee meel walba jooga ayaa inta badan waaya fursada noolasha. 

Maalin walbo, 20,000 kun oo gabdhood oo ka hooseeyo da’da 18-jirka ayaa waxay ku dhalaan dalalka soo koraya.


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada