Ronaldo, Messi Iyo Ribery – Yaa Ku Guuleysan Doona Abaalmarinta Ballon d’Or 2013.

Ronaldo, Messi Iyo Ribery – Yaa Ku Guuleysan Doona Abaalmarinta Ballon d’Or 2013.

daajis.com:-Ugu danbeyn sida la filayay Cristiano Ronaldo, Franck Ribery iyo Lionel Messi ayaa isagu soo haray tartanka abaalmarinta Ballon d’Or ee sannadkan 2013, sida ay ku dhawaaqday maanta FIFA.

Tababarayaasha xulalka qaranka iyo kabtanada ayaa u codeeyay seddexdaan ciyaaryahan oo ay ka soo dhex saareen 23kii ciyaaryahan ee u sharaxnaa abaalmarintan taasoo la soo saaray bishii October.
Ronaldo ayaa sannadkan 2013 dhaliyay goolal kor u dhaafaya 60 gool, halka uu sidoo kale ka caawiyay xulkiisa reer Portugal inay u soo baxaan Koobka Adduunka ka dib markii ay soo galeen wareega kala baxa isreebreebka Koobka Adduunka.
Franck Ribery ayaa isna xilli ciyaareedkii hore seddex koob la qaaday kooxdiisa Bayern Munich oo ay ku jirto Champions League, halka sidoo kale uu isna France ka caawiyay inay u soo baxdo Koobka Adduunka.
Leo Messi oo markii shanaad oo isku xigta doonaya inuu qaado abaalmarintaan ayaa xilli ciyaareedkii hore ka caawiyay Barcelona hanashada La Liga, isagoo sidoo kale udub dhexaad ka ahaa in Argentina ay xilli hore iska xaadiriso Koobka Adduunka.

Hadaba yaad isleedahay waa uu ku guuleysan doonaa abaalmarintan marka la gaaro bisha Janaayo 2013 oo xaflada Ballon d’Or lagu qaban doono Zurich ee dalka Switzerland? Ka qeyb qaado codbixinta hoose.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada