Sheekh Muqtaar Roobow Abuu Mansuur oo iska diiday dalab Cusub oo uga yimid Amiirka Al-Shabaab

Sheekh Muqtaar Roobow Abuu Mansuur oo iska diiday dalab Cusub oo uga yimid Amiirka Al-Shabaab

daajis.com:-Warar la helayo ayaa sheegaya in Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) uu iska diiday dalab uga yimid Hogaamiyaha Guud ee Xarakada Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane kaa oo ahaa in la dhameeyo Khilaafka ka dhaxeeya Saraakiisha Kooxdaasi lana midoobo.

Abuu Mnasuur ayaa la tilmaamay in uu ka biyo diiday dalabka kasoo yeeray Hogaamiyaha Al-Shabaab waxa uuna ku adkeestay in Amiirka Kooxdaasi uu galay fal dambiyeed uuna laayay Saraakiil sar sare oo Al-Shabaab magac iyo sumcad ku dhax lahaa.
Sheekh Fu'aad Shangole ayaa la sheegay in isku xire ka ahaa in ay isku soo dhawaadaan Amiirka Al-Shabaab Sheekh Axmed Godane iyo Hogaamiayha kooxdaasi ka baxsaday Sheekh mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Sheekh Muqtara Roobow ayaana ku adkeesanaya in uusan la midoobeen Kooxda uu Hogaamiyo Amiirka Al-Shabaab ay ku kala tageen Afkaarta waxa uuna tilmaamay in isagu uu ku taagan yahay wadada saxda ah.

Amiirka Al-Shabaab ayaa lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay Dilal loo geestay Saraakiil katirsan Kooxda Al-Shabaab kuwaa oo isugu jiray Soomaali iyo Ajaaniib qaarkood ayaana lagu dilay howlgalo halka kuwa kalana si qarsoodi ah loo dilay.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada