8 arrimood oo lagaaga baahanyahay inaad samayso habeenka aqal galka markaad kaligaa la noqoto caruusada

8 arrimood oo lagaaga baahanyahay inaad samayso habeenka aqal galka markaad kaligaa la noqoto caruusada

daajis.com:-Markaad la kulmaysid caruusadaada ama aad kaxaysanaysid, bisinka akhriso. udhoola cadee, uqosol, gacanteeda qabso adoo hadal macaan ku oranaya sida waan kuu soo xiisay xabiibti ama adiga hadaan ku helay wax iga maqan aduunka ma jiro IWM.
-La soco in caruusadu waxa ay ubaahantahay habeenkaas ay tahay naxariis iyo xasilooni aad siisid iyo jacayl, markaa ufiirso hadalada iyo taabashadaada. daajis.com
-Guriga markaad gashaan oo aad kaligiin noqotaan, waxaad siisaa caruusada waxay cabto, inta ay wax cabayso la hadal oo isku day inaad ka qoslisid ama hadal macaan maqashiisid.
-Dhunko markaad guriga soo gashaan, u muuji inaad ku faraxsantahay iyada, hadal ahaan ku muuji, mar walba in yar marka laga soo warego dhunko caruusadaada.
-Sii fursad caruusadaadu inay kaligeed labisato oo isku ka diyaariso, ha oran maxaad iiga xishoon ninkaagii ayaan ahaye!!!.
-Adigana dharkii kuu diyaarka ahaa xiro, oo udgoonna marso, cashadana soo dhig, soo fariisi caruusadaada, haday cashada kaa diido inay cunto adiga afka ugu gur adoo naxariis muujinaya.
-Qolka hurdada markaad kaligiin noqotaan sii hadiyada aad udiyaarisay ee aan soo sheegnay.
-Inta aydan xaajadiina gudan waa inaad siisaa naxariis badan iyo dhunkasho, daajis.com ayaa ku leh ninyahow si naxariis leh u taabo, fiiri xaaladeeda oo dhagayso waxay ku tiraahdo, una tudh haday baqayso ama ay walwalsantahay, ihtimaam sii dareenkeeda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada