Kooxda Xidigaha Geeska Oo Laga Mamnuucay…

Kooxda Xidigaha Geeska Oo Laga Mamnuucay…

daajis.com:-Fanaaniinta loo yaqaano Kooxda Shaabshaab ee ku nool magaalada Hargeisa ayaa guud ahaan laga mamnuucay in ay ka heesan ama hees ay leeyihiin laga sii daayo Horn Cable TV.
Isku dhacan kooxda Shaabshaab iyo Horn Cable TV ayaa in badan soo jitamayay balse markii danbe la wada ogaaday in kooxda Shaabshaab laga mamnuucay in ay ka heesaan TVga loo yaqaan Horn Cable TV oo ah TVgii markii ay fanka kusoo biirayeen kasoo heesi jireen oo ay kusoo shaac baxeen ama lagu bartayba.  Mar aanu waraysi la yelanay dadka sida aadka ah ula socda kooxda Shaabshaab ayaa iyagu noo sheegay in ay iyagu TVGa ka tageen balse aanu TVgu iyaga eryin.
Nimco Samriye oo ah wariyaha daadihiya qaybta fanka ee Horn Cable TV ayaa iyadu qayb libaax ka qaadatay soo saarista kooxda Shaabshaab oo marar badan waraysiyo kala duwan la yeelatay, mar la waraysan jiray kooxda oo dhan iyo mar fanaan kaliyah la waraysan jirayba.
Fananinta Shaabshab ayaa iyagu haatan imika aad mooda kooxda ugu taageerada badan leh gayiga ay Soomali degto oo dhan oo isku duuban waliba is jecel oo hadii ay meel ka tagaan si wada jir ah uga wada taga oo mar kastana isku xidhan.
Bilawgii sanadkan ee 2014 aya Horn Cable TV casuumad u fidiyey kooxda Shaabshaab in ay barnaamij balaadhan kasoo qayb galaan kaas oo lagu soo dhaweynayo sanadka cusub ee 2014.  Balse Kooxda Shaabshaab way ku gacan saydheen oo waxay sheegeen in ay lacag xad dhaaf ah oo gaadhaysa kumanaan dollar u baahan yihiin si ay barnaamij uga sameeyaan Horn Cable TV, taasna waxaa ku gacan saydhay Horn Cable TV oo sheegay in fanaaniinti ay shalay soo shaac saareen ay hadana lacag ku bixiyaan kaso qayb galitaanka barnaamijyada aysan ahayn mid suurto galaysa.
Kadib markii ay suurto gali wayday codsigii ay kooxda Shaabshaab dalbadeen ee ahaa in lacag lagu siiyo barnaamijak ay ka dhigayan Horn Cable TV, ayaa waxay si ku xumayn ah u tageen TVga  SLNTV oo aad moodid in ay imika xidhiidh fiicani ka dhaxeeyo.
Sidoo kale TVga SLNTV wuxuu lacag ka badan 50 kun oo dollar ku bixiyey heestii loo sameeyay wadada laga dhisayo Ceerigaabo ee ay fanaaninta Kooxa Shaabshaab qaadayaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada