DAAWO SAWIRADA:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa

DAAWO SAWIRADA:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa

daajis.com:-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran oo maanta ka duulay magaalada Muqdisho ayaa gaaray caasimada dalka Ethiopia ee Addis Ababa, halkaasi oo la filayo in beri uu ka furmo shir madaxeedka Midowga Afrika.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii uu ka degay garoonka Addis Ababa wuxuu warfidiyiinka u sheegay in uu ku dhiirigelin doono hoggaamiyeyaasha gobolka ee waddamada ay saaxibka yihiin sidii loo xoojin lahaa baabi’in Al-Shabaab.

Kulanka hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika ayaa ajandeyaasha looga hadli doono waxaa ku jira amniga, iyadoo la filayo in Soomaaliya lagu taageero dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Waxaa kaloo lagu wadaa in shirka lagu gorfeeyo horumarinta dhaqaalaha, dowlad-wanaagga iyo ajandeyaal kale oo khuseeya qaaradda Afrika.

Wasiirrada arrimaha dibedda ee dalalka Midowga Afrika ayaa horay ugu yeeshay Addis Ababa shir gogol-xaar u ahaa shir-madaxeedka berri furmaya.  






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada