Daawo:- Fanaanada Hodan Abdirahmaan oo Raadineysa Ninkii Calaf lawadaagi Laheyd

Daawo:- Fanaanada Hodan Abdirahmaan oo Raadineysa Ninkii Calaf lawadaagi Laheyd

daajis.com:-Hodan Abdirahmaan ayaa haatan waxay ka mid tahay fanaaniinta loogu jecelyahay fanka Soomaaliyeed, waxaana iska dhalay laba fanaan.hodan fanaanad Hodan ayaa waayadii ugu dambeeyay soo saaraysay heeso badan oo iska soo daba dhacaya kuwaasoo ay uga hadlayso nafteeda iyo waayo aragnimadeeda. Heesaheedii ugu dambeeyay ayaa laga dhadhansan karaa inay noolasheedu aad u heer sarayso balse kaliya ay tabayso ninkii noolasha la wadaagi lahaa.

hodan Heesaha ay soo saartay ee laga dhandhansan karo in ay doonayso ama ay jeclaan lahayd sidi ay ula kulmi lahayd ninki nolosha la qaybsan laha ayaa waxa ka mid ah heesta magaceda la yidhaah RAJO

HALKAAN RIIX DAAWO VIDEO

Waxaa kaloo heeseheda laga dhandhansan karaa in ay fariin ama dhanbaal u marinayso hawada ninka raba in uu jaceyl la qaybsado iyada, sida heesta magaceeda la yidhaah HA I GEYN HOTELADA, oo heesta ereyadeedu ka mid yihin:

(Anoo guur ujeedaad adigu gaabsi jeceshahay, ha i geyn hotelada oo ha i seejin gabadhnimo markad iga gun gaadhana durba gooso ha i odhan) -Waxaa dhici karta in ay la kulanto dhawaan ninkii mustaqbalka guursan lahaa fanaanadan oo dabcan lagu tilaami karo nin nasiib leh, haddaba waxan u rajaynayna fanaanada Hodan Abdirahman in ay guur fiican oo ay nolosheeda ku faraxdo la kulanto, hadii nin fanaan ah ay guursatona ay nolosheedu iyo fankeeduba sii hori mari karaa



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada