DAAWO: - Mo Farah, wiil Soomaaliyeed oo ka badbaaday weerarkii cunsuriyada Norway oo barnaamijka heesaha Eurovison u matalaya Norway+ Sawirro

DAAWO: - Mo Farah, wiil Soomaaliyeed oo ka badbaaday weerarkii cunsuriyada Norway oo barnaamijka heesaha Eurovison u matalaya Norway+ Sawirro

daajis.com:-Mo Farah Abdi oo ah wiil Soomaaliyeed oo ku nool dalka Norway, kana babdaaday weerarkii argagaxisada ee cunsuriyada ee lagu laayay dad badan sanadkii 2011 ayaa waxuu Norway waxuu ka qeybgalayaa barnaamijka tartanka heesaha Yurub Eurovision 2014  isagoo matalaya dalka Norway, Mo ayaa waxuu ka mid ahaa dhalinyaradii jasiiradda Utøya ee dalka Norway uu weerar kula qaaday nin cunsuri ahaa la oran jiray Andre behring Breivik. Waxuu Mo halkaasi ku waayay saaxiibkiis ay aadka iskugu dhawaayeen ee lagu magacaabi jiray Ismail Haji Ahmed oo Isma Brown loo yaqaanay. Sanad kadibse waxuu Mo yimid finalkii barnaamijka heesaha ee Norway oo lagu magacaabayay X Factor.


Mo oo 21 jir ah  ayaa noqay shaqsi caan ka ah dalka Norway kadib heestiisii la magacbaxday Heal taasoo uu u diyaariyay asxaabtii uuku waayay weeraradaasi waxuuna heestani ku hantay qalbiyada dadka jecel fanka iyo nabada iyo waliba wada noolaanshaha aadamiga.

Waxaa haatan uu Mo sheegay in uusan dooneyn inuu ku laabto ayaamahii murugada iyo welewelka badnaa laakiin uu jecelyahay inuu niyeysto wanaag iyo siduu ku hilmaami lahaa dhibtaasi , waxuuna ku faraxsanayahay inuu dalka Norway u matalo barnaamijka Eurovison iyadoo heestiisa Heal ay tahay heesta kaliya ee Norway u matalaysa tartankaasi oo ay Yurub oo dhani iskugu keentay fanaaniin kal kala socda dalalkooda. 

Mo ayaa ku dhashay Soomaaliya isagoo yimid dalka Norway isagoo 7 jir ah waxuuna soo bandhigay moowhibadiiisa isagoo si aan caadi aheyn u heesa una cayaaro, waxaa uu sidoo kale caan ku yahay labiska nooca qaaska u ah isaga ee fashionka ah.



Halkaan Riix Si Aad u Daawado:- 





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada