DAAWO MUUQAALKA:-Dhalinyaro Kibir Badan Oo Caano Ku Qubeeysatay & Caruurtii Caalamka Oo La´Caano Ay Cabaan

DAAWO MUUQAALKA:-Dhalinyaro Kibir Badan Oo Caano Ku Qubeeysatay & Caruurtii Caalamka Oo La´Caano Ay Cabaan

daajis.com:-Hadal heeynta ugu badan saxaafada Caalamka gaar ahaan mida ka soo baxda dalka Ingiriiska ayaa noqotay dhalinyaro dhigata jaamacada Newcastle University ee dalka Ingiriiska oo si kibir iyo dhereg dhacsi ah ugu Qubeeysatay Caano ay soo iibsadeen kuwaas oo barnaamishkaan u baxshay (Milking) .


Dhereg dhaca dhalinyaradaan oo laga qeeyliyay waxaa ku dayday ama koobiyeeyay caruur fara badan kuwaas oo inta hal Liitar oo Caano ah soo iibsaday dabadeedna wadada dhexdeeda mar qura madaxa iskaga shubay.


Falka nuucaan ah oo Caalamka oo idil ku cusub waxaa ka xumaaday dad fara badan oo u dhashay dalka Ingiriiska .

Caruurta ku dhibaateeysan Dunida oo oo idil waxa ay la´yihiin Biyo nadiif ah oo ay cabaan halka Dhalinyaro u dhalatay dalka Ingiriiska wadada dhexdeeda ay Caano ku qubeeysanayaan .

Kiiska Dhalinyaradaan oo wali ka socda magaalada Newcastle ee dalka Ingiriiska lama yaqaan sabab ay kaga hor tagaan ciidamada Booliiska maadaama dhalinyaradaan ay gubayaan Lacag iyaga u qaas ah oo waliba Caanahaas ay ku soo iibsadeen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.


https://www.facebook.com/pages/Guriga-Arimaha-Bulshada

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada