Isticmaalka Internetka Iyo Talefanka Oo Sababi Kara In Uu Burburo Xariirka Lamaantaada Kaala Dhaxeya Hadii Aad 3-daan Calaamad Isku Aragtit (Talooyin Dhaxal Gal Ah)

Isticmaalka Internetka Iyo Talefanka Oo Sababi Kara In Uu Burburo Xariirka Lamaantaada Kaala Dhaxeya Hadii Aad 3-daan Calaamad Isku Aragtit (Talooyin Dhaxal Gal Ah)

daajis.com:-Aaladaha Internetka Ama Talefanka oo Sababi karo in Uu xariirkiina Burburo Hadii Aad isku aragtid 3d
aan Calaamad:

Run ahaantii  Isticmaalka Aaladaha sida Internerka iyo Taleefanada  aad u isticmaashid  Shaqada ama Asxaabtaada waxa ay kuu fududeysaa howlahaada. Laakin  waxaa kaloo ay sababtaa in xariirkaaga kaala dhaxeeyo Lamaantaada in uu burburo.  Si aad uga hortagtid arimahaas waa in si dhaqsi ah aad go,aan  u gaartaa Aama Xal  hadii aad isku aragtid Calaamadahaan hoos ku qoran:

1): Adigoo marwalba ku mashquulo Aaladahaas:
Xiliga aad isla casheyneysaan Lamaantaada ama aad wada sheekeysaneysaa  hadii uu jaceylkaaga ku mashquulo isticmaalka internetka ama taleefankiisa Run ahaantii dareenkaagu aad ayuu ugu gubanayaa waayo Xiliyadaasi waa xili labadiina idiin qaas ah Isla markaaa Loo baahanyahay in aad wada shekeysataan  Hadaba si aad u xaliso arintaan  Hadii aad aragto Lamaantaada uu ku mashquulsan talefanka ama internet hadaba u sheeg in uu joojiyo/joojiso arinkaas Hadii aad awoodana ka qaad oo dheh ( Gacaliye /gacaliso waqtigaan labadeena ayuu noo qaas yahay aan ka faa ideysano ee naga daa mashquulka adigoo ku eegaya indha naxariis ay kudheehanyihiin). Adigana waxaa lagaa rabaa in aad sameyso midaas mid lamid ah aad meel iska dhigto Taleefanka iyo internetka.

2): Adigoo  Taleefan ama Internet ka doorbido in aad Saaxiibtaa si toos ah ula kulantid:
Hadii laba is jecel ey kala joogaan laba meel oo kala fog  ( Long distance relationship ) waa laga maarman in Lamaantaada  aad kula xariirtid Aaladaha internetka ama Taleefanka,  laakiin  hadii aad ku nooshahay meel aan sidaas i ugu fogeyn oo aad ka doorbitid lakulankeeda/lakulankisa in aad kula xariirtid Aaladaha internetka ama Taleefanka  Arintaani waa arin halis galin karto in uu sii socdo xariirkiina  xitaa hadii aad si joogta ah kula xariireysid  aadalahaas  maxaa yeelay waa laga maarman in kulanka waji ka waji aad ayuu muhiim u yahay . hadaba hadii aad isku aragto arinkaan  Isku day in aad sameyso jadwal aad kula kulmeysid Lamaantaada ugu yaraan  Isbuucii 2 mar Hana ahaado kulankaas mid Qaas ah  (special )

3): Adigoo mar walbaba ku mashquula dhalada Komputerka ama Taleefanka meeshii aad ku mashquuli laheyd indhaha   Lamaantaada:
Hadii Adiga iyo Lamaantaada aad ku wada jirtaan Qol Adiga aad ku mashquulsantahay Chating  Asxaabtaada,  Saaxiibtaana / Saaxiibkaana uu ku mashquulsantahay  “ Plyaing Video Games “. Su'aasha waxa ey tahay Goormaad labadiina waqti aad kusheekeysanataan heleysaan?  Si aad xal U hesho u samey waqti Lamaantaada xitaa hal Saac  Adinkoo ka soo tagaayo mid walbaba mashquulkiisa  una isticmaala  waqtigiina sidii loogu tala galay idinkoo mid walbaba aqbaar is siinaayo  Qof walbana  ka shekeynaayo waxii uu soo sameeyay isbuucii tagay  marna sheekada u badalaayo mid Romance ah  si jawiga uu isku badalo mid dagan, Farxad kuna dheehantahay Xiiso iyo gacal


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

https://www.facebook.com/pages/Guriga-Arimaha-Bulshada

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada