Daawo Muuqal "Dhalinyaro Soomaali oo is rasaaseyn ku dhexmartey Magaalo ku Taal Maraykanka oo Soomaali wax ku Noqdayn!!

Daawo Muuqal "Dhalinyaro Soomaali oo is rasaaseyn ku dhexmartey Magaalo ku Taal Maraykanka oo Soomaali wax ku Noqdayn!!

daajis.com:-Laba wiil iyo gabar Soomaali ah ayaa waxaa la sheegay inay ku dhaawacmeen is rasaaseyn ku dhexmartey laba kooxood oo burcad Soomaali ah magaalada Hudson ee dalkaas Mareykanka iyadoona uu dhaawaca soo gaarey gabadhaas Soomaalida lagu sheegay inuu yahay mid culus. 


Kooxahaan burcada Soomaalida oo isku helay agagaarka dukaan lagu iibiya qamriga ayaa waxaa ay ooda isaga qaadeen rasaas iyadoona uu halkaas ay ku dhaawacmeen 2 wiil iyo gabar, Labada wiil ee Soomaalida ah ee ku dhaawacmay is xabadeyntaas ayaa waxaa ay booliisku magacyadooda ay ku sheegeen Cabdiraxman Cabdirizak Xersi oo 23 sano jir ah, Maxamed Deballa Xussein oo 21 sano jir ah iyo gabar lagu magacaabo Fartun Ibrahim Ceydiid oo 28 sano jir ah, dhaawaca labada wiil oo ahaa mid sahlan ayaa daaweyn ka dib waxaa loo direy gurigooda iyadoona dhaawaca gabadhaas oo ahaa mid yara culus awgeed ay wali ku jirtaa isbitaalka, Booliiska goobta soo gaarey ayaa la kulmay baabuurka ay wateen Soomaalida dhaawacantey oo rasaas lala dhacay iyadoona booliiska lagu wargaliyey inuu goobtaas ka baxsaday baabuur kale oo ay wateen kooxda burcada ah ee kale, Booliiska ayaa waxaa u suuro gashay inay gacanta ay ku dhigaan baabbuurkaas iyo laba nin oo Soomaali ah oo wadatey iyadoona ay booliisku ay xabsiga dhigeen labadaas nin oo ayna wadaan baaritaan ku saabsan sida ay wax u dhaceen. 

Ugu dambeyntiina iyadoo ay booliisku wadaan baaritaan ku saabsan arintaas ayaa waxaa uu warku sheegayaa inay kooxahaas burcad ah ee Soomaalida ay ka yimaadeen magaalada Minneapolis oo ah goob ay Soomaalidu isku disho mar walba oo ayna ka jiraan kooxo gangs Soomaali ah oo uu u dhexeeya dagaal qaraar oo dhexdooda ah oo ay isku ugaarsanayaan iyadoona uu dagaalkaas u dhexeeya kooxahaas burcada Soomaaliyeed uu mudooyinkii ugu dambeeyey galaaftey nolosha Soomaali badan oo qaxooti ku ahaa dalkaas mareykanka gaar ahaan gobolkaas Minnesota oo ay ka jirto dagaalkaas u dhexeeya Soomaalidaas, Is rasaaseyntaan ku dhexmartey magaalada Hudson Soomaalida ayaa waxay yaab ku noqotey arintaas dadka degaanka oo aan u baran dhegahooda inay maqlaan rasaas oo ayna ugu dambeysay mudo ka badan 6 sanandood. 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.


https://www.facebook.com/pages/Guriga-Arimaha-Bulshada

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada