Daawo Qiso Murugo badan: - Sawiradaydoo Qaawan ayuu ka iibiyaa Dhalinyaradda Soomaaliyeed ee Minessota degan

Daawo Qiso Murugo badan: - Sawiradaydoo Qaawan ayuu ka iibiyaa Dhalinyaradda Soomaaliyeed ee Minessota degan

daajis.com:-Gabar Soomaaliyeed oo degan Magaalada Minnessota ee Dalka Mareykanka ayaa arin murugo badan la soo deristay,kadib markii Nin Soomaaliyeed oo caan ka ah inuu si xirfadeysan gabdhaha u kufsado uu ka  duubay Video xili uu kiniini mandooriye ah oogu daray Casiir ay cabaysay,kadibna kolkii ay miirkeedii doorsoomay ka qaaday Sawiro  iyadoo qaawan oo nuudo ah.

Ninkan ayaa Gabadhan dhibanaha ah  markasta oogu hanjabi jiray hadii aysan qasab kula galmoon inuu Sawirada uu ka qaaday inuu faafinayo,wuxuuna sawiradii uu ka qaaday hadda bilaabay inuu 5-Dollar ooga iibiyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee degan Dalka Mareykanka,waxayna arintani sababtay inay go'aansatay inay is-disho,inkastoo saaxiibadeed kula taliyeen inaysan nafteeda haligin,balse ay Saxaafada u soo bandhigto dhibaatada lagula kacay si markaas looga hortago in ninkan dembiilaha ah maxkamad cadaalad ah lasoo taago.

Gabadhan ayaa Saxafiyad Mareykan ah ooga sheekeysay in ninkan dembiilaha ee falkan kula kacay uu sidoo kale sawiro qaa-qaawan ka duubay gabdho da'yar ah (Teen-Age)kuwaasoo uu badankood Casiirka oogu daray daroogo,kadibna sawiro ka qaaday,isagoo ka iibinaya dhalinyarada Soomaaliyeed ee Maretkankan ku dhaqan.

Arintan ayaa waxaa hadda baaritaan ku-haya Booliiska Mareykanka ee Gobolka Minessota,waxaan ka codsanaynaa Gabdhaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Minessota hadii ay heli-karaan sawirka dembiilahan ugaarsanaya Gabdhaha Soomaaliyeed inaad Shacabkamedia u soo dirtaan si wejigiisa loo garto kadibna ay iska ilaaliyaan Gabdhaha Soomaaliyeed ee Mareykanka ku dhaqan,waayo ninkan Bulshadda wuxuu ku yahay khatar aan la dhayalsan-karin.
sans-serif;">
Nasiib-darrada oogu daran ee heysata Gabadhan Soomalaiyeed ayaa noqatay,iyadoo xabsi ku ah guriga reerkooda,kana baqaysa dibada inay u soo baxdo,waxayna aflagaadooyin kala kulantaa Soomaalida,iyagoo dhaha Sharmuuto ayaad tahay,waayo sawiradaadii ayaa dariiqayada Ceder-Avenua iyo Karamel ee Minnessota ku-yaal lagu iibiyaa.


Haddaba waxaa la gudboon Culimadda iyo Dhalinyaradda Aqoonyahanadda ah ee Minnessota degan inay gabadhaan u gar-gaaraan inta aysan nafteeda dhib soo gaarsiin



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.


https://www.facebook.com/pages/Guriga-Arimaha-Bulshada

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada