Daawo Sawirada Gabar Soomaali ah oo kamid noqotay dad badan oo ku dhintay Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Maqaayad kutaal Afganistan

Daawo Sawirada Gabar Soomaali ah oo kamid noqotay dad badan oo ku dhintay Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Maqaayad kutaal Afganistan

daajis.com:-Waxaa sii kordhaya Qasaaraha Dhimasho ee ka dhashay Weerar Ismiidaamin ah oo ka dhacay Makhaayad lagu magacaabo Taverna du Liban oo ku taala magaalada Kabul ee Dalka Afgaanistaan.

Maqaayada la weeraray ayaa aheed Maqaayad caan ah uu lahaa Nin u dhashay Dalka Lubnaan waxaana inta badan tagi jiray kana cunteen jiray dadka ajaaniibta ah sida Wariyaal , Shaqaalo iyo Diblamaasiyiin kusugan Magaalada Kabul ee Dalka Afganistan.

Masuuliyiinta dalka Afghanistan oo ka hadlay qaraxan ayaa sheegay in tirada dhimashada dadkii ku nafwaayay weerar uu ururka Taalibaan ku qaaday Makhaayada Taverna du Liban ay gaartay 21-qof oo isugu jira ajaaniib iyo dad u dhashay Dalka Afgaanistan.

Ajaaniibta ku dhimatay Weerarka ka dhacay Makhaayada kutaala Magaalada Kabul ayaa gaaraya ilaa 13-qof kuwaa oo u kala dhashay Dalalka Mareykanka , Canada ,Ingiriiska , Ruushka , Danish iyo Lubnaan.

Dadka dhintay Waxaa ku jira wakiilkii Hay’addah IMF ee dalka Afghanistan Wabel Abdallah oo u dhashey dalka Lubnaan iyo Sidoo kale Haweeney Soomaali Mareykan ah oo la shaqeeneysay Qaramada Midoobay taa oo la dhalatay Qoraaga Weyn ee Soomaaliyeed Nuurdiin Faarax.

Gabadha Soomaaliyeed ee ku dhimatay Magaalada Kabul ayaa aheed Soomaali balse heesatada Dhalashada Dalka Mareykanka waxaana lagu Magacaabi jiray Basra Faarax Gabadhan ayaa katirsaneed Hay'adaha Qaramada Midoobay. 

Weerarka ka dhacay Maqaayada kutaala Dalka Afgaanistan ayaa loo adeegsaday Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay iridka Hore ee Maqaayada iyadoona xiligaa kadib labo Nin oo hubeesan ay gudaha u galeen Maqaayada kadibna halkaasi weerar toogasho ah ka geesteen.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.


https://www.facebook.com/pages/Guriga-Arimaha-Bulshada

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada