Daawo Sawirada:- laga soo qaaday Shir Weyne u soo dhamaaday Odayaal kasoo jeeda Beesha Habar Gidir iyo Al-Shabaab

Daawo Sawirada:- laga soo qaaday Shir Weyne u soo dhamaaday Odayaal kasoo jeeda Beesha Habar Gidir iyo Al-Shabaab

daajis.com:-Deegaanka Buulo Mareer ee Gobolka Sh/Hoose ayaa waxa kusoo dhamaaday Shirweyne maalmo socday oo la sheegay in uu socday Odayaal kasoo jeeda Beesha Habar Gidir iyo Masuuliyiin katirsan Xarakada Al-Shabaab.

Shirka ayaa ujeedkiisu ahaa sidii labada dhinac ay iskaga kaashan lahaayeen dagaalada looga soo horjeedo Dowlada Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM iyo sidii labada dhinac u noqon lahaayeen kuwa garab isku ah.

Kulanka Beesha Habar Gidir iyo AL-Shabaab ku yeesheen Deegaanka Buulo Mareer waxaa ka qeyb galay masuuliyiin sar sare oo katirsan Al-Shabaab sida Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere iyo Gudoomiyaha Al-Shabaab ee Gobolka Sh/Hoose Abuu Cabdalada.

Labada dhinac ayaana si wada jir ah u shaaciyay in Shirkooda uu kusoo dhamaaday guul ayna isla garteen in ay kawada qeyb qaataan Dagaalada looga horjeedo Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ee kusugan Gudaha Soomaaliya.










FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada