Daawo Sawirada:- Guri aan Dhul-gariir iyo Tsunami kareynin oo lasoo bandhigay !

Daawo Sawirada:- Guri aan Dhul-gariir iyo Tsunami kareynin oo lasoo bandhigay !

daajis.com:-Aqristoow waxaad maqli jirtay dharka xabada celiya oo loo yaqaano (Bullet proof) , iyo gawaarida uusan hubka kareynin, laakiin arintu hada sidaas wey ka badalantahay.

sanadkii 1820-kii waxaa magaalada washinton ee caasimada dalka Mareykanka ka dhacay musiibo xun oo ahayd dhul dumay.

musiibadaas oo guryo badan baabi’isay waxaa ka haray dhul 4m ah oo u dhigma 13 ft, waxaana la ogaaday in dhulkaas ay qarniyo badan kahor si adag u dhiseen dadkii ku noolaa jaziirada yar ee Camano oo ku taalla Washington.

wixii xiligaasi ka dambeeyay injineerada mareykanka waxa ay jiilba jiil uga soo fakarayeen sidii lagu dhisi lahaa guri dhameystiran oo aysan kareynin musiibooyinka qasaaraha badan geysta, sida Tsunaamida iyo dhul gariirada.

Hada nin Naqshadeeye ah ayaa sameeyay guri sida uu sheegay awwod u leh in uusan dumin marka ay Daadadka ba’an ee Tsunaamida kusoo fatahaan.

Waxaa loo sameeyay meelo ay biyaha daadadka u maraan si nabad ah iyagoo aan u gudbin aasaaska guriga guriga oo aad ugu qodan dhulka hoose.

Sidoo kalena gurigaasi ayaa la sheegay in uusan waxba u dhimeynin dhul gariirka sida weyn u bur buriya guryaha uu haleelo.

Gurigani oo ku yaalla jaziirada waqooyiga magaalada Washinton ayaa waxa uu ku fadhiyaa dhul dhan 3,140 square-foot.

Aqalkani oo loogu magac daray ‘Tsunami House’ ayaa dhirir ahaan kor u taagan ilaa 9m oo u dhiganta (30 ft) waxaana la sheegay in uu u adkeysan karo duufaanada xaaqa guryaha badan.

Arintan la yaabka leh ayaa waxaa lagu soo bandhigay wargeyska mareykanka ah ee loo yaqaano Smithsonian Magazine.









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada